Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 8 July 2025

Gafuur-taagi Korneyl Qadaafi Iyo Garta U Dhageysto Oo Ku Dhamaatay In Tartarada La Jaro

Monday - August 22, 2011

Xoogaga Kacdoonka Wada ee dalka Liibiya ayaa la wareegay intii badnayd Caasimada Tripoli Waxaana Gacanta lagu dhigay laba ka mid ahaa wiilasha Qaddaafi
Xoogaga mucaaridka ah ee ka soo horjeeda Qaddafi ayaa la wareegay inta badan magaalada caasimada ah ee Tripoli waxaana qaar ka mid ah wadooyinka magaaladaasii isugu soo baxay boqolaal dad ah oo damaash ka dhigayay wadooyinka kala duwan ee Tripoli iyo fagaaraha caanka ah ee Saxaatu khadraa oo ahaa fagaarihii uu Qaddaafi taageerayaashisa kala hadli jiray.
Waxa gacanta lagu dhigay Sayf Islam Qaddafi waxa isna isa soo dhiibay maxamed Qaddaafi oo ahaa wiilka curad ee uu dhalay Qaddafi.

Dhanka kale waxa iyana dalka ka baxsaday Raysalwasarihii iyo ninkaa xaga sirdoonka u qaabilsanaa Qaddaafi waxaana lagu arkayaa qaar ka mid ah wadooyinka magaalada Tripoli dirayskii oo ay qubeen asakrta daacada u ahaa Qaddaafi iyadoo baqolaal ka mid ahaa ciidamada Qaddaafi ay isu soo dhiibeen xoogaga mucaardika ah.
Wararka ayaa intaa ku daray in la jibiyay jeelal badan oo ku yaalay magaalada Tripoli halkaasi oo laga sii daayay dad kumaan gaadhaya.

Waxa iyana loo dhacay guriga caaisha Qaddaafi oo ahayd inanta qura ee uu dhalay Qaddaafi waxa la sheegay in aanay iyadu markaasi ku sugnayn guriga loo dhacay., balse la sheegay iney doon ku baxsatay .. Warar is qilaafsan ayaa ka soo baxaya halka uu ku suganyahay Qaddaafi
Laftiisa, Waxanay wararka qaar sheegayaan in aanu ku sugnayan gudaha magaalada Tripoli halka qaarna ay sheegayaan in uu wali joogo magaalada Tripoli.

Si kastaba ha ahaatee jabka soo gaaray ciidamadii daacada u ahaa Mucamar Al-Qaddaafi ayaa waxa ay calaamad u tahay dhamaadka xukun milatari oo muddo 42 sanadood ku siman ku amar ku taagleeynayay dalka Liibiya.