Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 8 July 2025

Cumar Bin Khidaab Iyo Wadaado Yahood Dood Dhex Martay

Tuesday - August 23, 2011

Khaliifkii labaad ee muslimiinta Cumar Bin Khadab(RC) iyo wadaado yuhuud ah oo markaa ku wada noolaa Madina ayaa waxaa dhax maray dood.

Wadaadadii: Cumarow waxaad tahay nin aan aad u jecelahaye maxaa kaa yaabiyey manta?

Cumar: Waxaaan la yaabanahay sida hadalka ilaahay iskugu midka u yahay kan ku yaala Tawraad iyo kan Quraanka ee hadana aad dafiraysaan!

Wadaadadii: Oo maxaan dafirnay?

Cumar: Tilmaamaha Muxamed (SCW) ee ku yaala kitaabkiina iyo kuwa ku yaala kitaabkayaga, waxaana idinku dhaariyeye ilaaheye ma aqoonsan tihiin Muxamed in uu yahay Rasuulkiisii?

Wadadaadii: haa waana kaas halkaa maraya saaxiibkaa ayey ku dareen.

Cumar: waa deymooday markaas ayuu arkey nabiga oo meel sii galaya , hadaa maxaad u diidan tihiin ay dhab idinka tahay in uu yahay Rasuulkii Alle.

Wadaadadii: Waxa uu Saaxiib la yahay Malag aan Col nahay ?

Cumar: Oo Malaa’igta qaarna ma col baad la tihiin qaarna nabad baa idinka dhaxaysa? Waana kee kana ad colka tihiin?

Wadaadadadii: Waxaan Col nahay Malakul Jibriil waa malaka Cadaawda, dagaalka iyo Kharibaada, hadii malak Mikaa’iil oo naxariista, roobka iyo wanaaga keena uu u iman lahaa waan rumeyn lahayn.

Cumar: Hadii aad Malakul Jibriil col la tihiin Malakul mikaa’iilna col uun baad la tihiin ayuu ku yiri cumar nimankii isaga oo la yaaban sida axmaqnimada ah ee ay wadaadadu u kala qaybinayaan malaa’ikta Alle, isla waqtigaa uu Cumar Doodaas ku jiray ayaa Nabigana waxaa ku soo dagey aayadahan sheegaya isla dhacdadaas oo ku jira suurat Al Baqara ((98).

Ka dibna cumar nabiga (SCW) ayuu u tagey isaga oo warkan raba in u u sheego laakiin Nabigii ayaa Cumar kaga horeeyey oo ku yiri dhagayso aayadan dhawaan igu soo degtey markaas ayuu Cumar yiri anaa waxaan rabay doodan sidaas ku saabsan oo aniga iyo wadaado Yuuhuud ah na dhax maray laakiin waxaa iga soo hor marey warkii ilaaha Khabiirka ah.

Xasan Ciise .. Boorame