Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 16 May 2024

Wasiirka Gaashandhiga Somaaliya Xuseen Carab Oo Maanta Kormeeray Goobihi Laga Qabsaday Al-Shabaab

Wednesday - August 24, 2011

Kormeerkan howleed ee uu maanta  Ra’isulwasaare Ku xigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga ku soo kala bixiyay Xerooyinka Ciidammada xoogga dalka Somaaliyeed ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku wehliyay Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada oo ay ka mid ahaayeen Wasiiru-Dowlaha iyo Wasiirku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga,Wasiirku-xigeennada Wasaaradaha Waxbarashada,Kalluumeysiga iyo Dastuurka.

Ugu horeyntii mas’uuliyiintaasi ayaa soo kormeeray xerooyinka ay ciidamada xoogga dalka ku leeyihiin magaalaad Muqdisho kuwaasoo ay ka mid ahayaeen Xero  mariino, Guulwadayaasha , Guryihii saraakiisha, xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga, Isbitaalkii hore ee ciidanka xoogga Dalka ,Kuliyadda Jaalle siyaad , Shirkole Officialle, Xerada Agonta ciidanka xoogga , dhismaha Damaanyo, Warshada tolmada iyo goobo kale oo muhiim ah.

Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Gen C/kariin Yuusuf Aadan Dhego-badan ayaa warbixin ka siiyay Wasiirrada qaabka ay u soo halgameen ciidamada qalabka sida waxaana uu tilmaamay in Ciidamada Xooggu ay diyaar u yihiin inay sii xajistaan Guullaha ay gaareen islamarkaana ay sii wadayaan howlgallada ka dhanka ah Maleeshiyadii Al-Shabaab.

Ra’isulwasaare  ku xigeenka ahna Wasiirka Wasaarada  Gaashaandhigga Xuseen Carab Ciise  ayaa waxa uu Warbaahinta Qaranka kula hadalay Stadium Muqdisho isagoo tilmaamay in uu dhowaan dib u dayactir ballaaran ku sameyneyso Wasaaradda Gaashaandhigga dhammaanna xerooyinka milateriga ay ku leeyihiin muqdisho.

Dhinaca Kale Difaaca Mudane Xuseen Carab Ciise oo khudbad ujeediyay cutubyo ka tirsan ciidamada xooggg dalka oo ku sugan Hoteelka lafweyn ee magaalada muqdisho ayaa waxa uu ku amaanay  Ciidamada sida wanaagsan oo ay magaalada uga xureeyeen cadowgii dhibaatada ku hayay.

Dhammaan goobihii uu maanta Kormeeray Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa waxaa ka  muuqday burbur lixaad leh oo ka dhashay dagaalladii ugu dambeeyay ee saameeyay Xerooyinka milateriga ay ku lahaayeen magaalada muqdisho iyadoo sidoo klae Fagaaraha tarabuunka lagu arkayay howlo dhir jaris ah oo ay ka wadeen qeybaha bulshada.