Mucaaradka Liibiya Oo U Soo Wareegi-doona Tripoli Kuna Sii Jeeda Mgalada Sirte
Thursday - August 25, 2011
Tripoli Mucaarada Libya Oo labadii maalmood ee ugu danbeeyay galay xarunta Qadaafi ee Baabal Casiisiya ee caasimada Tripoli ayaa hada u sii jeeda dhinaca magaalada Sirte ee uu ka soo jeedo Col Mucamar Al Qadaafi oo aan ilaa hada la garanayn halka uu jaan iyo cirib dhigay. Inkastoo mucaaradku wali rumaysanyahay inuu ku jiro Tripoli iyo nawaaxigeeda.
Waxa la arkayaa taangiyo iyo tikniko Mucaaradku leeyihiin oo maraya wadada wayn ee qabata magaalada Sirte oo ay wali haystaan ciidamada u daacada ah Col Qadaafi, ahna magaaladiisii. Mucaaradka ayaa la sheegay inay la kulmeen iska cabin adag, kadib markii weeraro lagaga soo qaaday magaalada Bin Jawaad oo ay ciidamada Qadaafi difaac kaga jiraan .. Hogaamiyaha ciidanka Mucaaradka ayaa sheegay inay wali la yaabanyihiin inay dagaalamayaan ciidamada Qadaafi iyadoo Tripoli laga saaray.
Dhanka kale Mucaaradka ayaa sheegay inay wakhtigan maamulkoodii usoo wareejinayaan Magaalada Caasimada ah ee Tripoli kana soo wareegayaan magaalada Bengazi. Waxase wali sii jira dagaalo ka sii socda gudaha Tripoli oo ciidamada Qadaafi sii wadaan, arintan ayaa dib ugu dhigi karta todobaadka soo socda wareegi-taanka Golaha ku meel gaarka Libya ee Tripoli.
Sidoo kale Madaxa Golaha ku meel gaarka ah ayaa sheegay inay u baahanyihiin $2.5Billion oo caawimo ah si loo dabaro mushaharooyinka shaqaalaha iyo waxyaabaha aasaasiyaadka. Lacagtan ayaa laga soo saarayaa Hantida Libya ee hore wadamada reer Galbeedku u xayireen.