Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 1 July 2025

Sababo La Sheegay In Shaqada Looga Eryey Cawke Iyo BIshaaro

Saturday - September 24, 2011

Wariye Axmed Xasan Cawke & Bishaaro Baando oo ka mid ahaa shaqaalaha ka hawlgala Telefishinka Universal ee xaruntiisu tahay magaalada London ayaa la sheegay in shaqadii wareyenimo ee Tv-gaasi laga eryey, ka dib markii sida la sheegay Barnaamij ay siidayeen ay ku dhaleceyeen dawlada & dalka Jibuuti.

Barnaamij gaar ah oo ku saabsanaa Munaasabada Ciida oo lagu wareysanayey Wariye Cawke ayuu wuxuu kaga hadley arimo badan oo ay ka mid tahay wadanka Jabuuti, isagoo barnaamijka ka sheegay in dalka Jibuuti oo uu booqdey sanadkii hore waxyaabaha uu ka xusuusto ay ka mid tahay Kuleyl, Koronto la’aan & Kaneeco, isagoo sidoo kale ku tilmaamay dadka reer Jibuuti kuw caro badan.

Sidoo kale Axmed Xasan Cawke wuxuu ka hadley ku dhaqanka Kitaabka Qur’aanka Kariimka ee dalka Jibuuti wuxuuna yiri " Waxbaad arkeysaa, yacni ka soo qaad wax ka weyni ma jiro Kitaabka ILAAHAY ee dee uu inoo soo rogey meel baa la dhigayaa, waa la iska dhaafayaa, maalinta wax dhacaan ayaa la oronayaa kitabkii horta mee".