Sida aynu la wada socono haddii uu qofku qaato ama aad u isticmaalo dawo ama kiniino in ka badan xadigii loogu talo galay (overdos) waxa ay badanaa xaga caafimaadka u keentaa dhibaato weyn oo halisa. Cilmi-baarayaal xaga caafimaadka, oo u dhashay dalka Ingiriiska, ayaa daraasadii ay sameeyeen waxay natiijadii noqodtay. Haddii uu qofku isticmaalo xanuun jebiyaha kiniinka ama dawada Paracematol, oo maalin walba la qaato ama la isticmaalo muddo dheer ay keeni karto halis weyn, taasoo u horseedi karta qofka dhimasho.
Cilmi baarayaashaas ama khubaradaas caafimaadku waxa ay ogaadeen in 663 kays (case) oo caafimaad ah oo ay baaritaan ku sameeyeen ay ka heleen in beerkoodu uu dhaawac soo gaaray, sababtuna ay ahayd isticmaalka badan Paracetamol. oo ay aad u isticmaaleen xanuun jabiyahan Paracetamol.
Dadka aad u isticmaala xanuun jabiyahan,Paracetamol, waxay inta badan dhaawac u geysataa beerka iyo maskaxda (brain). Sida ku qoran daraasadan, isticmaalka badan ee daawadani waxa kale oo ay keentaa in uu qofku u baahdo in kalyaha la safeeyo (dialys) iyo in laga caawiyo xaga neefta. Waxaa kaloo cilmi baarista ku jirtay in khatarta ama halista ah in uu qofku uu u dhinto dhaawac kaga yimaada isticmaalka dawadan ay guruubkan ku badan tahay.
Haddaba haddii uu xanuun ku hayo oo aad isticmaasho dawadan,Paracetamol, waxna kuu tari waydo, la xiriir dhakhtarkaaga, intii aad isticmaali lahayd ama cuni lahayd kiniino xadi badan oo dawadan Paracetamol
Waxaa soo diyaariyey: Nuux ismaaciil Maxamed (Ina Ismaaciil Somali Airlines)