Turkiga Oo Ka Hirgalinaya Mogdisho Mashaariic Ay Ka Mid Yihiin Tower Casri Ah Iyo Terminal Cusub
Saturday - November 26, 2011
Wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo Raiisul Wasaare Ku Xigeenka Turkiga Sayn Bekir Bozdag ayaa maanta soo gaaray Muqdisho. Wafdigan heerka sare ah waxaa ka mid ah Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Dr Kani Torun, Guddoomiyaha Guddiga Baarlamaanka ee Caafimaadka, Cevdet Erdol, Xubno baarlamaanka Turkiga ah sida Sayn Huseyin Tanriverdi, Sayn Selcuk Ozdag, Muzaffer Yurttas, Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Turkiga Sayn Prof Dr. Nihat Tosun, Guddoomiyaha Hayada Horumarinta caalmiga ee TIKA, Sayn Dr Serdar Cam, Guddoomiyaha Hayada kale ee TOKI, la taliyeyaal, agaasime kuxigeenada wasaaradaha Turkiga, saraakiil ka socotay dowladda hoose ee Istanbul, khubaro iyo ganasatayaal Turki ah. Sidoo kale wafdiga waxaa la socday Safiirka Soomaaliya u fadhiya Turkiga Nur Sheikh Hamud.
Wafdigan ayaa saakay waxaa si heer sare ah loogu soo dhoweeyey garoonka Caalamiga ah ee Aden Adde oo uu halkaas ku soo dhoweeyey Raiisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali, golaha wasiirada, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo masuuliyiin kale. Soo dhoweynta ka dib Raiisul Wasaare Ku xigeenka Turkiga waxuu dhagax dhigay garoonka diyaaradaha ee Caalamiga ah ee Aden Adde, oo Turkigu uu ka bilaabo doono hirgalinta mashaariicda ay ka mid yihiin Tower cusub oo ku qalabeysan qalab casri ah, terminal cusub, iyo gidaarka amniga ee Garoonka iwm.
Wagdigu waxey kaloo tageen xarunta Hayada TIKA ay ku leedahay Muqdisho, ka dibna waxey wafdiga la qaateen kulan dheer Raiisul Wasaaraha iyo golahiisa wasiirada, kulankan oo ka dhacay Xafiiska Raiisul Wasaaraha Soomaaliya. Raiisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali oo furay shirkan labo geesoodka ah ayaa u mahadceliyey Dowladda Turkiga oo uu sheegay in shacabka u soo gurmatay waqti xasaasi ah oo abaaro baan ay dalka ka jireen. Imaatinkii Raiisul Wasaaraha Turkigana waxuu indhaha u furay caalamka intiisa kale oo ka sii jeeday arrimaha Somalia.
Raiisul Wasaare ku xigeenka Turkiga Bekir Bozdag ayaa sheegay in Dowladda iyo shacabka Turkigaba ay ka goantahay gacansiinta Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed una yimid inuu kormeer ku sameeyo mashaariicda laga fulinayo Muqdisho, waxuuna sheegay in ay garoonka diyaaradaha ka fulin doonaan Tower cusub, Terminal cusub iyo darbiga amniga iyo howlo kale. Sidoo kale Raiisul Wasaare ku xigeenka waxuu sheegay inay Isbitaal cusub oo 200 sariir qaada ka hirgelinayaa agagaarka Digfeer oo ay la socdaan Masaajid iyo 2 Iskuul. Sidoo kale waddada Makka Al-Mukara ilaa iyo airportka in qandaraaska howshiisa ay bilaabatay lana hirgelin doono dhowaan. Sidoo kale Clinic ay horey u fureen, haddana mid kale la howlgelin doono berry. Waxaa kaloo jiro mashaariic kale oo horumarineed oo ay Turkigu damacsanyihiin. Waxuu kaluu sheegay inay soo socdaa gaadiidka qashanka lagu qaado iyo dhammaan tasiilaadkii saacidi lahaa maamulka Muqdisho inay nadaafadda ka howlgalaan isagoo sheegay in Dowladda Hoose ee Istanbul ay diyaar u tahay inay la shaqeyso maamulka Gobolka Banadir.
Raiisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ku wareejiyey Raiisul Wasaare Ku xigeenka Turkiga mashaariic hor leh oo ay Dowladda Soomaaliya u aragto kuwo muhiim ah sida hayadaha kaabayaasha dhaqaalaha, dib-u-heshiisiinta, Dastuur sameynta iyo howlo kale oo muhiim u ah Shacabka Soomaaliyeed.
Raiisul Wasaaraha Soomaaliya waxuu sheegay in loo baahanyahay in mashaariicda horumarineed la wada gaarsiiyo dhammaan dalka oo dhan si ay uga qeybqaataan soo celitna amniga iyo wada noolaashaha shacabka soomaaliyeed.