Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 3 July 2025

Qawleysatadi Al-Shabaab Oo Laga Xoreeyey B/weyne Iyo Firxad-koodi Naf La Caariga Oo Weli La Si Baac.

Saturday - December 31, 2011

Baladweyne- Mogdisho: wararka laga soo xiganaayo magaalada Baladweyne ayaa tilmaamaya in hadda cutubyo milatari oo ka tirsan kuwa itoobiya iyo guuto Somaali lagu soo carbiyey Adis Ababa oo is-kaashanaya ay iminka halboolayaasha magalada ku gaadaaman-yihiin kadib markii ay ka faramarooji-yeen kooxihi shabaabka oo muddo magaladaas ku hayey xad-gudub, tacadi iyo  hagardaamo, waxaana la sheegaya in garmaqaate shabaab iyagoo nafla cari ah ay ku jiraan firxad iyo kala carar, waxaana warku intaa ku sii daraya in madaxi maleshiyaadka shabaab ee magaaladaas lagu qabtay xeel hawlagal kadis ah oo uu ahaa yoolki ugu horeeyey ee gurigiisa weerar lagu soo abbaaro. 

Warka ayaa intaa ku daraya in ciidamada itoobiyaanka ay magaalada si khatal iyo xariifnimo ah afarta jiho ka soo galeen oo isla markiiba cabburiyeen maleeshiyadi shabaabka oo awlba ahaa kuwa itaal-daran oo aan habeysneyn .. lama sheegin khasaarha dhinacyada soo gaaray waxaase loo badinaya in kooxaha shabaabka sida kadiska loo weeraray ay khsaare badan soo gaareen, saadaashuna tahay iney adagtahay si ay shabaab dib ugu soo noqdaan magaaladaas.