Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 12 July 2025

R/Wasaare C/farax Oo Soo Hurgufay Liiski W/Ku Xigeenada Iyo C/Qaadir Sh.ismacii Awxaashi Oo...

Friday - December 14, 2012

Mogadisho: Muddo aan yareyn baa Raiisal Wasaare  Cabdi Faarax wax laga sugaayey .. ku-tiri ku-teen, been iyo run wax la daadihiyaba oo kolba dhan isula dilaantaba, waxa u ugu dambeyn C/Faarax xalay fiidkii soo hurgufay, banaanka soo dhigay liis ay ku taxan-yihiin wasiir ku xigeeno jagooyin kala duwan lagu kala meeleeyey, waxaana muuqata sida shaxda u dhigantahay in beelaha somaali si miisaaman ujeedo leh irbad kaar jabin ah loogu muday amase wax loogu kala dooray, iyadoo isla markaa horteena caano la inoo ku barxay haddana nala ku waajibiyey inaan baraxaas is dhaafino oo la ayido lana siiyo waqti oo aan la noqon seef la bood.

Hasa ahaate dadweynaha somaali gaar ahaan reer mogdisho illa maanta si kooban u sharaxaya sheekooyin butaacaya oo ay ku leeyihiin C/Faarax iyo Xasan Shiikh sida ay wax u soo falaanqeeyeen iyo tirada badan ay dadka hor keeneen, iyo sida shicibku u arkaayo run ahaanti ay tahay wax hoos ka qalalan oo la soo dhoodhoobay, ah dhalaan habaabis iyo dhalanteed kuna qiimo beeleen waxna u dhintay .. waxaa kaaf iyo kala dheeri ah oo sinaba isu qabaneyn intey shalay wasaaradihi ku soo koobaan 10 kaliya oo yiraahdeen waxbaan beekhaameyneynaa ayey haddana maanta wasiir ku xigeenadi ay oo barxeen ka soo dhigeen 25 oo guud ahaan wixii oo dhan noqdeen 35 wasiir .. waa nasiib daro iyo madax malaasan waxna qaadan faaiidana aanay ka soo bixin-doonin

Magacayo badan oo aanan kala garaneyn qurbo joog iyo gudo joog mid ay yihiin,ayaa liiska ka muuqda haddana vwaxaan filaya in qaar badan oo dibada ka yimi oo baryahaanba xafiiska raiisal wasaare C/Faarax ku larnaa ay candhuuftoodi dib u liqeen oo intoodi badneyd dib u laabteen

Dadka mogdisho ayaa yiri; madaxweyne xasan shiikh iyo raiisal wasaare C/Faarax koleyba maanta waxay faraha kula jiraan hawl u bilaabatay, micno badana ma sameyneyso magacyo meel lagu soo qor qoray iyo kan waa wasiir, waayo bulshada somaali horay bey u soo martay qaar sita warqado waa-weyn oo leh aakhiro baan wax ku soo bartay iyo sida timirta loo kala jaro baan aqaana,balse dawgu waxuu yahay kii meel loo xil saaraba in hawshiisa iyo wax soo saarkiisa lagu daba galo. 

"Madaxweyne Xasan Shikh iyo Raiisal wasaare C/Faarax waa iney la socdaan dulqaadka ummada .. inyar oo aan ka badneyn sanad inta laydin eegaayo, wixii waqtigaas ka dambeeya waa wixii aad la soo baxdaan ee laydin ka arko mudadaas  " Sidaa waxaa ku hadaaqaya shicibka mogdisho oo ka jawaabaya liiska.

Dhinaca kale waxaa liiska la magacaabay ka mida mudane ma liice C/Qaadir Shiikh Ismaacil Aw Xaashi oo loo magacaabay wasiir ku xigee Wasaarada Ganacsiga .. C/qaadir waa shakhsi muddo aan qiyaas lahayn ku dhex jiray siyaasada dalka Qun yar socodna ah, muddo buu soo dhutinaayey una soo luuday in dalkiisa wax uu qabto , mudanuhu waxuu ahaa uruuriyaha qadaafooyinka lagula kaco shacabka siiba inta itaalka daran iyo inta lagu amartaagleeyo  oo u maalin walba warbaahinta iyo idaacadaha halkaan mogdisho si qeexan oo cad cad uga baahin jiray ... halyey Wasiir C/Qaadir sii diiran iyo marxab ayaa Tolkiisa u soo dhaweyeen markii xilkaan loo magacaabay.