Geeri Naxtin Leh; Xaajigii Dadka U Saahiday Kheyr Fidinta Cali Faarax Nuur Shire Oo Aamusay
Sunday - December 16, 2012
Haddi gabowgu baaqsado, Geeri baan wax deynin .. Godka iyo Xabaashiyo iyo Geeridu waa xaq alle oo waa lama see-gaan, noloshuna waa dhabo la wada ordaayo oo meel qura ah ku dhamaata iyada uun baa loo kala dareeraya .. aduunka waa goob shaqo oo qof kasta wixii u shaqeysto ayuu aakhiro marka u dhinto hor illaahay ugu tagaa ..inaalilaahi waa inaa ileyh Raajicuun waxaa shalay galab si lama filaan ah magalada Gaalkacyo ku geeriyooday ilaahi naxariistiisa jano ha ka waraabiyee Xaaji Cali Faarax Nuur Shire oo ay dhashay Caasho Hiraabay Geesood.
Xaajiga oo ahaa adoomada ilaahay kuwooda ugu cibaado badan, waxaan mar kale allaha waaxid Qaadirka ah uga baryeynaa inu jaarka rasuulka ka mid dhigo maalinta qiyaamahana ka mid ahaado kuwa loo shafeeco qaado .. dhamaanteen samir iyo iimaan allaha inaga siiyo.
Marxuumka ayaa ahaa dadka u saahiday kheyr fidinta iyo cibaadada ilaahay, carabkiisa waxaan xuska ilaahay ahayn iyo hadal wanaagsan ahayn lagama maqli jirin .. Marxuumka ayaa ka mid ahaa Odayaasha waaweyn Ee Reerka Cumar Maxamuud- Reer Mahad, waxaana marxuumku ka ahaa Oday samo talis ah ehlu cibaada ah laguna xasuusto doorkii weynaa ee u ku lahaa nabadeynti mandiqada .. Marxuumku Waxuu madax ka ahaa Shirkada Al Amal ee Gobolka Mudug-gaalkacyo
Marxuumka oo geeridiisu wada saameysay dad badan gudo iyo dibad oo xidid, xigaalo iyo sokeeye leh gaar ahaan Reer abtiyaashiis isirka ilma Hiraabey Geesood iyo Reer Cadaawe, walaalihiis iyo ilma-adeeradiis inta iminka nool iyo wixi ay dhaleen oo aad u badan oo aanan halkaan kuwada qori-karin ayaa u soo diray tacsi anigana si gaara igu soo tacsiyeeyey, waxayna ilaahay uga baryeen inu dambigiisa dhaafo oo xisaabta aakhro u dhib yareeyo.
-Alle Haw Naxariisto
-Ha nuuriyo Xabaashiisa
-Kii Alle Naar ka xoreeya
- Janadi Ku Nagaada
Waxaa idin Soo Gudbiyey marxuumka walaalkii Maxamed Cali-Xaashi ( Ina Cadaawe)