Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 12 July 2025

Markabkii MV Daesan Oo Ay La Baxsadeen Ciidamada Bada Puntland

Wednesday - December 19, 2012

Bosaaso: Markabkii MV Daesan oo taagan xeebta Bosaaso 18kii November 2012,waxaa la sheegay in maalinimadii shalay soo shaac baxday in magaalada Bosaso lagala baxsaday markabkii MV Daesan oo laga lahaa dalka Waqooyiga Kuuriya (North Korea) oo ay dhawaan soo qabteen ciidamada Bada ee Puntland.

Markabkan MV Daesan ayaa lasoo qabtay bishii la soo dhaafay ee November xili uu meel u jirta magaalada Bosaaso 13mile ku daadinayey Shimiito xumaatay.

Shimiitadan ayaa la sheegay in ay lahaayeen ganacsato ku sugan Muqdisho, balse diiday inay qaataan Shimiitada kadib markii ay ku xumaatay biyaha bada oo gaaray xamuulkii shimiitada ahaa ee Markabkaasi uu siday.

Shaqaalaha markabkan MV Daesan oo laga leeyahay wadanka Waqooyiga Kuuriya ayaa muddo todobaad ku dhaw shimiitada ku daadinayey bada Puntland, waxaana lasoo qabtay 18kii bishii November.

Markabkan ayaa waxaa lagu soo xiray dekkada Magaalada Bosaaso waxaana dulsaarnaa si joogto ah (heeb iyo maalin) ciidamo gaaraya 12 askari oo ka tirsan ciidamada Bada ee dhawaan tababartay shirkadii Saracen.

Ciidamadan oo ahaa kuwii markabka soo qabtay ayaa in muddo ah si toos ah uga amar qaata Madaxtooyada Puntland, waxaana la sheegaa inuu hada dusha sare ka maamulo wiilka Madaxweynaha ee Maxamed Cabdiraxmaan Faroole, kuna magacaaban la taliyaha Madaxweynaha ee dhanka Saxaafadda.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Bada ee Puntland oo u waramay Horseed Media ayaa xaqiijiyey in shalay gelinkii danbe uu markabka ka furtay xeebta dekkada Boosaaso oo uu ku xirnaa todobaadyadii lasoo dhaafay, ayadoo la xaqiijiyey inay la baxsadeen askartii saarnaa Markabka oo illaalada ka hayey.