Wasiirka Amniga Maamul Goboleedka Puntland Oo Ka Badabaaday Isku Day Dil
Monday - January 7, 2013
Garoowe-(QNN)-Wasiirka Amniga Maamul Goboleedka Soomaaliya Ee Puntland Md. Khaliif Ciise Mudan, Ayaa Xalay Lagu Weeraray Hoteel Uu Ka Degenaa Magaalada Boosaaso, Waxayna Wararka Goobtaasi Ka Soo Baxayaana Ay Sheegayaan In Wasiirka Ay Soo Weerareen Dabley Hubeysan Oo Aan Haybtooda La Aqoonsan.
Sida Ay Sheegayaan llo Wareedyo Lagu Kalsoon Yahay Kooxaha Hubeysan Ayaa Weerar Ku Soo Qaaday Hoteelkii Uu Degenaa Wasiirka Amnigu, Waxayna Ku Fureen Rasaas Aad U Culus. Ilaalada Wasiirka Oo Iyagu Ku Sugnaa Afaafka Hore Ee Hoteelka Ayaa Isku Deyey Inay Iska Caabiyaan Weerarka Kooxdan Hubeysan, Balse Kooxdan Weerarka Soo Qaaday Ayaa Iyagu U Muuqdey Kuwo Aad U Hubeysan.
Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Maamulka Punland, Gaar Qaybta Gobolka Bari Ayaa Gurmad U Soo Fidiyey Wasiirka Oo Hoteelka Uu Degenaa Xilligaasi Ay Ku Socotay Rasaas Xooggan, Waxaana Taliyaha Oo Watey Ciidamo Xooggan Oo Badan U Suurto Gashay Inuu Kala Cayriyo Kooxdii Weerarka Soo Qaaday Oo Iyagu Markii Dambe Goobta Iskaga Firxaday.
Weli Wax War Ah Kama Soo Bixin Wasiirka Amniga Puntland Md. Khaliif Ciise Mudan, Balse Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Ee Qaybta Gobolka Bari Ayaa Sheegay Inay Ku Raad Joogaan Kooxihii Weerarka Ku Soo Qaaday Wasiirka, Laguna Doonayey In Lagu Khaarajiyo.
By: Weriye Gantaal Bari.