Maleeshiyo Reer Zeylac Oo Laga Soo Hubeeyey Dhinaca Jabuuti Oo Dagaal Ku Qaaday Ciidamada S/Land
Friday - January 11, 2013
Xigasho Harawo- Waxa muddo sadex maalmood ah magaalada Saylac lagu soo daabulayay rag sacaboolay ah. Sida aan xog rasmi ah ku hellay hubka oo ahaa qoryaha fud fudud waxa xalay Jabuuti ka keentay Saxiimad ama laash. Nimankii Sacaboolayda ahaa wuxu barasaabka Selel u furey ama dejiyay dugsiga sare ee Saylac, markii hubku xalay soo gaarayna waxay Saaka salaaddii Abaaro 5:30 weerareen xarunta dawlada hoose, wuxu halkaa dagaal ku dhexmaray booliskii iyo maleeshiyadii hubaysnayd.
Kadib Booliskii wuxu la hadlay ciidanka Somaliland ee Bariisle degan, waxay xabadeeyeen milatriga laftiisii, waxa halkaa ku geeriyooday hal qof oo ka mid ah maleeshiyadii jabuuti laga soo hubeeyay ee weerartay dawladda hoose ee Saylac, dhawr kalana way ku dhaawacmeen.
Shalay bay ahayd markii dadkii baabuurta lagu keenay ay suuqa Saylac socod ku dhexmareen, socodkaasoo ujeedadiisu ahayd is-muujin, si ay warbaahintu u gubiso muuqaalkooda iyo hadalkooda, si loo yiraahdo Saylac waxa degan beesha ciise, laakiin sida aan xaqiijinay beeshaasi ma degana magaalada marka laga reebo dad geellay ah oo degan meelo degmada Saylac ka mid ah, dadka Kamaradda kasoo muuqday dhamaantood-na waxa la noo xaqiijiyay inay dool(qariib) ahaayeen.
Waxa kale oo wararku intaa ku darayaan in qaar ka mid sirdoonka Jabuuti lagu arkay magaalada Saylac. Waxa dadka badankiisu isweydiinayaan ujeedada ka dambeysa dadkan lasoo abaabulayo iyo sababta ay Jabuuti faro-galinta ugu hayso saylac ee ay u diidantahay inuu ka dhaqan galo nidaamka degmooyinka kale ee SL ba lagu maamulayo, Saylac ma jabuutibay ku taal?