Taliyaha Ciidamada Lugta Ee Uganda Oo Codsaday In La Kordhiyo Muddada Howgalka AMISOM Ee Soomaaliya
Tuesday - January 15, 2013
Kampala (RH) Taliyaha ciidamada lugta dalka Uganda Katumba Wamala ayaa u sheegay wargeyska The New Vision ee ka soo baxa Kampala in loo baahan yahay siddii loo caawin lahaa Soomaaliya oo dagaallo ku jirtay in ka badan 20-sano.
Howgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa xilliga loogu talagalay wuxuu uu dhammaan doonaa labo bil kaddib taasoo ah
bisha March ee sannadkan 2013-ka.
Wuxuu yiri Soomaaliya waa sidda ilmo yar oo u baahan kaalmo, ka timaada adduunyada inteeda kale.
Uganda waxa ay hoggaamineysaa howgalka military iyo boolis ee Soomaaliya maadama ciidanka ugu badan uu ka yimid dalkooda.
Waxaa howgalka AMISOM taagerada ugu wayn uu ka soo gala QM, Midowga Yurub iyo Midowga Africa.
General Katumba ayaa sidoo kale sheegay in xaallada Soomaaliya ay hadda soo hagaageyso, isagoona intaas ku
daray in maalin kasta ay soo caga dhigtaan garoonka diyaaradaha Muqdisho illaa 40-diyaaradood 15-markabka ay ku soo xirtaan Dekedda Wayne ee Muqdisho.