Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 12 July 2025

Dawladaha Reer Galbeedka Oo Wal-Wal Ka Qaba Kooxaha Islaamiga Ah Ee G. Afrika , Yeman Iyo Somaaliya

Wednesday - January 16, 2013

Dawladaha Waaweyn ee Reer Galbeedka ayaa Wal-wal xoog leh ka qaaday Awooda sii xoogaysanaysa ee dhaqdhaqaayada Kooxaha Islaamiga ahi ka wadaan Galbeedka iyo Bariga Afrika, iyo sidoo kale dalka Yeman oo ay u Hajireen qaar ka mid ah kooxahaasi oo ku biiray Al-qaacidada Dalkaasi. Weerarka kooxaha Islaamiyiinta ahi ka bilaabeen Dalka Maali isla markaana ay Ciidamadda Dalkaasi kaga qabsadeen magaalooyin muhiim ah oo ku dhaw Caasimada Dalkaasi ee Bomako. Sidoo kale qabsashada Ciidamadda Faransiiska ee kooxda Al-shabaab ayaa soo jeediyay indhaha Dalalka Reer Galbeedka kadib markii ay Weerarada ay ku qaadeen Ciidamadda Faransiisku ay labada meeloodba kala kulmeen iska caabintii ay ku jabeen. Dhaqdhaqaaqa Kooxaha Yemen ee Al-qaacida ayaa iyana saamayn kale ku yeeshay kadib markii ay u Hajireen kooxo ka tirsan Islaamiyiinta Somaliya wallow ay xaaladda Dalka Yemen degan tahay, hadana waxa jirta cabsi laga qabo in ay dagaalo ka curtain Dalkaasi. War warka ay dhaqdhaqaayadani ku keeneen Dunida Reer Galbeedka ayaa u muuqda inay Hurdo ka tooseen isla markaana ay ku war heleen quwad saamayn ku yeelan karta awooda dalalkan, waxaanay taasi ku keentay inay qaylo dhaan Af-ka gacanta galiyaan isla markaana ay taageero u raadsadaan Weerarada ay ku hayaan Dalalka ay ka socdaan dhaqdhaqaayadaasi sida Maali iyo Somaliya.