Washinton DC Oo Aqoonsatay Dawlada Cusub Ee Somaaliya
Thursday - January 17, 2013
Wanshinton- Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in ay aqoonsan doonto dowladda cusub ee Soomaaliya.
Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda dhinaca Africa Johnnie Carson ayaa sheegay in maanta oo Khamiis ah madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda ku sugan Maraykanka uu la kulmi dooni xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Hillary Clinton.
Mr. Carson ayaa sidoo kale sheegay in labada masuul ay isweydaarsan doonaan qoraalo dimblomaasiyadeed oo ku aadan siddii loo soo soo bandhigi lahaa xiriirka cusub ee ugubka ah.
Waa markii ugu horreysay oo si rasmi ah loo shaaciyo in la soo celiyo xiriirka labada waddan tan markii kooxo hubaysani ay ku soo rideen Muqdisho labo helicopter oo Maraykanku lahaa sanadkii 1993dii.
Mr. Carson ayaa sheegay in dawladda uu hooggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay horumar muuqda ka sameysay dejinta dalka iyo ka guul gaarida kooxda Al-Shabab oo dhul badan laga qabsaday.
Kaaliye Carson ayaa sidoo tilmaamay in xiriirka Maraykanka iyo Soomaaliya uuna wali u dhaweyn sidii uu ahaa markii laga soo riday diyaaradaha 20-sano ka hor.
Dowladda Maraykanka ayaa dhaqaale badan ku bixisa howgalka ciidanka nabad ilaalinta midowga Africa ee AMISOM, kuwaasoo magaalooyinka waaweyn ka saaray Al-Shabab, hase yeeshee, ururku waxa uu wali maamulaa dhul balaaran oo ka mid ah dalka Soomaaliya.
Soomaaliya ma helin dowlad dhexe oo shaqeysa tan iyo sannadkii 1991-dii, waxana dalka ka dhacay dagaalo iyo qaraxyo.
Baarlamaanka cusub ee dalka Soomaaliya ayaa loo dhaariyay xilka lix bil ka hor, waxana ay dabadeed doorteen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyagooba soo afjaray 8-sano oo uu dalka ku jiray ku-meel-gaar dowlad aan shaqeyn.