Gudoomiyaha Baanka Dhexe Ee Somaliya Oo Loo Magacaabay Mawaadin Reer Awdal Ah
Thursday - January 17, 2013
Mogadisho-Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa guddoomiyaha Baanka dhexe ee dalka u magacaabay muwaadin reer awdal ah oo magaciisa la yiraahdo Dr.Cabdisalan Xaaji Hadliye.
Dr.Cabdisalaam ayaa ah aqoonyahan qurbe-joog ah oo ku nool dalka dibadiisa, waxaanu degenyahay dalka Maraykanka
Dr. Hadliye, maaha qofkii u horeeyay ee reer Somaliland ah ee uu Madaxweynaha Somaliya xil u magacaabo, waxase ay Dr. Hadliye iyo Foosiya Yusuf Xaaji Aadan ba ka mid yihiin weftiga uu hadda u kaxaystay dalka Maraykanka.
Guddoomiyaha loo magacaabay baanka Somaliya, lagama yaqaano masraxyada siyaasadda Somaliya, waxase uu caan ka yahay gudaha dalka Maraykanka isagoo marna sarkaal sare ka noqday dawladda hoose ee magaalada Washington, isla markaana la sheegay inu macallin ka yahay jaamacadaha ugu sareeya dalkaas mareykanka, isaguna shakhsiyan u ka baxay jaamacada harvard ee mareykanka