Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 12 July 2025

Beesha Biyo-Maal Oo Sirtoodi Hargeysa Ku Baxday Noqotayna Reero Un Warafka Tuuraya

Saturday - January 19, 2013

Hargeysa; warar naga soo gaaraya dhinaca magaalada hargeysa ayaa sheegaya labadii toddobaad ee ugu danbeeyay Hargeysa kulamo kula lahaa qaybaha Bulshada Reer Somaliland Madax dhaqameedka ugu waaweyn Beesha Biyo Maal ee Degta Gobolka Shabeeladda Hoose ee Somaliya gaar ahaana Deegaamada Marka iyo Jamaame.

Madax dhaqameedkan oo ka kooban shan xubnood waxa ay kala yihiin Suldaan Ibraahim Suldaan Xaaji Cali Ciise, Ugaas Adab Diiriye Ibraahim, Ugaas Yacquub Ugaas Cabdi Yacquub, Caaqil Axmed Maxamed Barre iyo Caaqil Maxamed Xasan Abuukar (shariif). Sida lagu sheegay ujeedada socdaalkooda ayaa lagu sheegay inay kala yihiin sadex qoddob oo kala ah

-Dib u soo noolaynta Xiriirka labada Ummadood ee walaalaha ah ee Somaliland iyo Beesha asalkoodu yahay isxaaq ee Biyo Maal

-Taageerida qadiyada Reer Somaliland ee Gooni u goosadkooda

-In laga caawiyo xaga Agabka, waayo aragnimada maadaama ay dhisanayaan Maamul Goboleed. Madax dhaqameedka Beesha Biyo-Maal ee Martida u ah Reer Somaliland waxa ay qoddobadan iyo taariikhda soo jireenka ah ee ay wadaagaan Bulshada Reer Somaliland-isxaaq ku soo bandhigeen kulamo ay la yeesheen Cuqaasha, Guddoomiyayaasha Axsaabta Siyaasadda iyo Ururada Bulshada, hase yeeshee waxa ay wali raajicinayaan inay Xukuumadda Somaliland qaabisho si ay ugu bandhigaan Ujeedada Socdaalkoodan ka kooban qoddobada aynu kor ku soo xusnay.

Besha Biyo-Maal Madax dhaqameedkoodu waxyaabaha ay ku soo bandhigeen kulamadooda waxa ka mid ahaa taageeradii ay siiyeen Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo wakhtigii uu ahaa Guddoomiyihii Jabhadii dibu Xorraynta Somaaliyeed ee SNM, taasoo ay sheegeen inay kaalin muhiim ah ka ahayd Halgankii dhaliyay Gooni isu taaga Somaliland. Sidoo kale waxa ay kaga hadleen dhibaatooyinka Beel ahaan haysta ee ay taageerada u raadinayaan oo la mid ah tii Somaliland ka Gil-gilatay ee siisay Amniga iyo Xukuumadda ay haystaan iyagoo ku Mahadiyay Amniga iyo Dawlad-nimada ka hir-gashay Gayiga Somaliland.

Waxyaabaha ay is weydiinayeen ee ay kala hadlayeen dadkii ay la kulmeen waxa ay ahayd sababaha Qaar ka mid ah Dadka Reer Somaliland ku dhaliyay iyaga oo Amnigan iyo Dawlad-nimadan haysta ay ugu noqonayaan qaarkood Somaliya oo Dab ka qiiqayo ama aanay ka jirin Nolol la bar bar dhigi karo ta Somaliland.

Si kasta ha ahaatee Ergadan Madax dhaqameedka Beesha Biyo-Maal oo si toos ah u yimi Hargeysa iyaga oo aan wax Marti-qaad ah ka helin Xukuumadda Somaliland mudadii ay joogeena Ololahaas ku jira ayaa wali quud daraynaya inay la kulmaan Madaxweyne Siilaanyo iyo Madaxda Xukuumadda balse wali may helin cid gacan qabata.