Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 12 July 2025

Raiisal Wasaaraha Itoobiya Oo Maanta Xilkii Ururka Midawga Afrika La Wareegay

Sunday - January 27, 2013

Addis ababa; Raysal wasaaraha Dalka Itoobiya Haile Mariam Desalegn ayaa manta loo doortay inuu noqdo Guddoomiyaha Ururka Midawga Afrika waxaana xilkaas manta si rasmi ah ugu wareejiyay Guddoomiyihii hore Yayi Boni oo ah Madaxweynaha Dalka Biniin.
Kulanka manta uu kula wareegay Guddoomiyanimada Ururka Midawga Afrika Raysal wasaaraha Dalka Itoobiya waxa ka hadlay Madaxweynaha Falastine Maxamud Cabaas, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Kimon, Guddoomiyaha Guddida joogtada ah ee Midawga Afrika Dr. Nkosazana Dlamini Zuma iyo madax kale oo uu ka mid yahay Madaxweynaha dhawaan la doortay ee Ghana.
Kulanka Madaxweynayaasha Afrika iyo Dublamaasiyiinta kala duwan ee Dalalka Afrika waxa si qoto dheer ay madaxdu ugu xustay waxqabadkii kontonkii sano ee uu Ururka Midawga Afrika OAU/AU jiray, iyagoo si qoto dheer uga waramay Dibu-dhacyada iyo Horumarka ay Qaaradu gaartay gaar ahaana Dhinacyada Horumarka iyo Dagaaladda.
Masauuliyiinta kale ee aan Afrikaanka ahayn ayaa Madaxda Qaaradda ku dhiirigaliyay inay Afrika u horseedaan Maamul wanaagsan iyo inay la yimaadaan Qorshe cad oo ay mustaqbalka ku hogaamiyaan sidoo looga saaro dadyawga Qaarada dhibaatooyinka dibu dhacyada ku keenay ee ay ka mid yihiin Abaaraha iyo Dagaaladdu.
Waxay soo dhaweeyeen Afrika inay la bar bar taagan yihiin sidii ay khayraadkeeda uga faa’iidaysan lahayd isal markaana ay u siin lahaayeen taageero dhinac kasta ah