R/Wasaare Saacid Oo Ka Badbaaday Qarax Ismidaamin Laakiin Siigadi Qaraxaas Ku Haftay
Tuesday - January 29, 2013
Muqdisho- Nin La Sigay Ma Nabad Galay .. Xarunta Villa Somaaliya wararka laga helaayo ayaa sheegaya in ruuxa isku soo xiray waxyaabaha qarxa inuu isku qarxiyay iridka hore ee xarunta madaxtooyada qaybta u dagan-yahay raiisal wasaaraha, waxaana dhinaca ku haya Safaarada Itoobiya ee Magaalada Muqdisho.
Wararka ku saabsan qaraxaas ayaa waxay sheegayaan in Ruux naftiis halige ah inuu fuliyay qaraxaasi, kaasi oo isku soo xiray waxyaabaha qarxa kuna hor qarxay madaxtooyada qaybta u ku shaqeeyo cabdi faarax garaad
.
Goobtii uu qaraxa ka dhacay waxaa isku gadaamay Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM . Ilaa iyo iminka si dhab ah looma oga khasaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxaasi uu fuliyay ruuxa naftiis haliga ah ee ku qarxay halkaasi,
Saxafiyiinta ayaa loo diiday inay gudaha u galaan Madaxtooyada Soomaaliya si ay xog uga soo helaan qaraxa iyo khasaaraha ka dhashay, hase yeeshee waxay wararka qaar sheegayaan in qaraxaasi uu ku dhintay hal ruux oo ka tirsan ciidamada Dowladda Soomaaliyeed, iyadoo sadax kale halkaasi uu dhaawac ka soo gaaray.
Dhinaca kale wararku waxay sheegayaan in ruuxa is qarxiyay sadax maalmood laga celinaayay inuu galo Madaxtooyada, hase yeeshee maanta ugu dambayn isku qarxiyay halkaasi, iyadoo la soo sheegayo in ruuxa is qarxiyay uu ka tirsanaan jiray kooxihii ka soo goostay Shabaabka, islamarkaana uu ka tirsanaa ciidamada Dowladda, iyadoo ninkaasi uu doonaayay sida la sheegay inuu isku qarxiyo Hoyga uu degan yahay Raiisul wasaaraha, hase yeeshee laga hor istaagay.
Ciidamada Dowladda ee ilaalada ka haya Madaxtooyada ayaan ahayn kuwo si aad ah u dhiifoon, waxaana halkaasi ku arkaysaa inay tahay goob aad u mashquul badan oo ay ku socdaan Shacabka rayidka ah, mana jirto cid lagu baaro irida hore ee madaxtooyada oo xijaab adag ma laha qofkastana kasta meesha si sahlan buu ku gali kara.