Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 12 July 2025

Konfurta Galkacyo Galmudug Oo Wajaheysa Dagaal Ay Ku Kala Baxaan Cabdi Qaybdiid Iyo Mucaaradkiisa

Wednesday - January 30, 2013

30 Janaury 2013 Waagacusub.com- Maleeshiyo beeleedyo ku hubeeysan Baabuurta dagaalka ayaa buuxiyay Koofurta Magaaladda Galkacyo kadib markii uu fashil ku dhamaaday wada hadal Dowladda Somalia dooneysay inay ku xaliso Khilaaf Siyaasadeedka Madaxtooyadda Galmudug.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia Cabdi Kariim Xuseen Guuleed ayaa la saftay hogaamiye kooxeedka Cabdi Qaybdiid kadib markii ay cadaadis saareen sedex nin oo jufadiisa Reer Cali u dhashay kuwaas oo Qaybdiid Wasiiro ugu magacaaban.

Madaxweynaha Galmudug Mohamud Tima Kalajeex iyo Madaxweyne ku xigeenka Cali Tooyo ayaa Ciidamadda Galmudug ee taabacsan amar ku siiyay inay si deg deg u galaan fariisimaha Galkacyo,waxaana lagu wadaa in wafdi uu horkacayo Cali Tooyo oo Muqdisho ku sugan u dhoofaan Galkacyo .
Xildhibaanada beesha Sacad Habargidir ugu jira Baarlamaanka Somalia ayaa sheegay inay diideen saxiixada Warqad uu Wasiir Cabdi Kariim u geeyay ,waxayna tibaaxeen inuu qaadi doono Masuuliyada hadii Warqada uu saxiixay darteed dhiig ku daato.
Sida muuqato waxay Koofurta Galkacyo wajaheysaa dagaal kala baxa hasse yeeshee walaaca ugu weyn wuxuu yahay Maleeshiyo beeleedyo buuxiyay Magaalada kuwaas oo ujeedkoodu yahay inay fuliyaan weeraro ay ku qaadayaan Xarumaha Hay''ado iyo Shirkado ganacsi oo Siyaasad ahaan taabacsan Qaybdiid .
Saraakiisha Nabadgelyada Koofurta Galkacyo ee madaxa banaan waxay sheegeen inay todobaadkaan gudahiisa dhici karaan Afduubyo iyo dagaalo u dhaxeeyo labada garab ee ku hardamaya talada Madaxtooyada Galmudug.
Inta badan beelaha Sacad Habargidir ayaa shirar uga socdaan Galkacyo,Muqdisho iyo Nairobi iyagoo ka tashanaya habka loo wajahi karo dagaal lala galo Qaybdiid maadama laga fursan waayay in lagu kala baxo gumaca rasaasta.
Qaybdiid wuxuu horkacayay dagaalkii lagu fashiliyay Dowladii Salbalaar ,wuxuuna sheegtay inuu dilay Jeneral Mohamed Farah Caydiid.
Arrinta aan la xalin karin ee ugu weyn waxay tahay Qaybdiid oo doonaya inuu xoog ku maquuniyo beelaha Sacad qaar sida Reer Jalaf ,Reer Sinoole,Reer Nimcaale ,Reer Qurdhaale,Reer Ayaanle,Indha yar iyo Cabdalle oo Mowqif mida ka qaatay qadiyada Cabdi Qaybdiid.
beelahaas waxaa ka go''an inay galaan dagaal kala baxa ,waxayna Ciidamadooda caawa ku aruureen gudaha Koofurta Galkacyo.
Si kastaba ha ahaatee, 20 Sano kadib Cabdi Qaybdiid wuxuu u birtumanayaa inuu gumaado Agoontii uu Aabayaashood laayay xilligii uu huwanaa magacii Cakaaro ,waana nasiib daro weyn in Halgankiisii Xukun Jaceylka maanta dib ugu laabtay Koofurta Galkacyo.