Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 12 July 2025

War Deg Deg Ah : Alla Ha U Naxariiste Waxaa Maanta Geeriyooday Suldaan Cabdi Suldaan Cali Sonkor

Thursday - January 31, 2013

Inaa Lilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun,Waxaa Xalay Magaalada Nairobi Ku Geeriyooday Suldaan Cabdi Suldaan Cali Sonkor oo ahaa Suldaanka guud ee Aji ee Gobalada Jubboyinka .. Allaha U naxariiste Suldaan Cabdi Suldaan Sonkor ayaa waayahaan dambe xanuun hayey awgeed lagula tacaaleyey xarun isbitaal oo ku taal cariga Kenya gaar ahaan magalada Nairobi 
 
Sida ay sheegeen dadka qaraabada la ah suldaanka waxaa Maydka Suldaanka lagu aasi doonaa Magaalada Afmadow oo ahayd hooyga iyo Xarunta Suldaanka..
 
Suladaanka ayaa waxay da’diisu aheyd 76 jir isagoo caan ku ahaa cibaadada ilaah,ixtiraamka culimada iyo mashaaiikhda dalka, deeqsinimo, garyaqaanimo iyo  garsoornimada xaqa iyo cadaalada, isla markaa waxaa lagu tilmaami jiray Nin qayb libaax ka soo qaatay halgankii gobanimada iyo nabadeynta mandiqada. 

Beesha Tanade-Leelkase ee ku sugan Jubada hoose oo u hogaaminaayo Suldaan Xasan Suldaan Xaaji Maxamuud Suldaan Cilmi waxay tacsi tiiraanyo leh u direyaan dhamaan shacabka Gobalada Jubboyinka gaar ahaan Eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Allaha u Naxariistee Suldaan Cabdi Suldaan Cali Sonkor, Samir iyo imaan allaha nagasiiyo dhamaanteena isaguna Naxariistii Janna  Allaha ka waraabiyo  Amiin Aamin