Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 12 July 2025

Hay'adaha Nabadgalyada Ingiriiska Oo S/Land U Sharxeysa Sababihi Keenay Digniinti Dawlada Britain

Saturday - Feb 2, 2013

Addis Ababa- Maamulka Somaliland iyo ergo dawlada Ingiriiska ka socota ayaa magaalada Addis Ababa ku leh kulan hawleed ay kaga xaajoonayaan digniintii ay dawladda Ingiriisku ka soo saartay dhawaan ammaanka Somaliland.
 
Kulankaas oo la filayo inuu maanta u bilaabmo labada dhinac, waxa dhinaca Somaliland uga qayb galaya wasiirka arrimaha dibadda Md. Maxamed Cabdillaahi Cumar iyo taliyaha sirdoonka Md. Jaamac Maxamed Bootaan, oo shalay ka ambo-baxay magaalada Hargeysa, halka ay dawladda Ingiriiskana uga qayb geli doonaan safiirkooda u fadhiya magaalada Addis Ababa iyo saraakiil kale oo ka iman doonta magaalada Nayrobi ee dalka Kenya.
Waxa la filayaa inay kulankaas Somaliland ku weydiisato dawladda Ingiriiska faahfaahin la xiriira digniinta amni ee ay bixisay oo ay maamulka Somaliland sheegtay inaanay waxba ka jirin.
Safiirka dawladda Ingiriiska u fadhiya Kenya oo qaabilsan Somaliya Danjire Matt Baugh, ayaa hore u sheegay inuu ka mid yahay masuuliyiinta bixiyay digniinta, waxase uu sheegay inay wada hadal la leeyihiin Somaliland.
Si kastaba ha ahaate, waxa la filayaa inay labada dhinac kulankooda xal kaga gaaraan aragtiyahooda kala duwan ee la xiriira digniinta Ingiriiska.