Gabar Mudo Lagu Shukaansanayey Magaca Fanaan Ay Hawada Ka Jeclaatay Lacagna Looga Qaatay
Wednesday - Feb 6, 2013
Waxaan goaan ku gaaray inaan la xiriiro bal nolosheydu uga xasisho Jaceylka xad dhaafka ah ee aan u qabay, Waxaan helay ciwaankiisa facebookga Xanuunbadanaa qof aad jeceshahay oo aadan misna si toos ah isku hor fadhiisan Karin.
Bal intaanan sheekadda dulucdeeda galin aan isku kiin sheego qofkaasna magaciisa idiin sheego.
Magaceygu waa Ilhaan Maxamed, waxaan Hadda ku noolahay wadanka Suudaan gaar ahaan Magaalada Khartuun.
Waxaan Si said ah u jeclaaday Wiil fanaan ah oo lagu magacaabo Liil Baliil Mudo lix bilood ah ayaan jaceylkiisa qarsanaayay markaan is iraahdo u sheego waan yar cabsanaayay
Anigoo jaceylkeyga qarsanaaya ayaa wax kasta oo uu soo qoro waxaan ka bixin jiray comment mudo yar kadib ayaan bilaabay inaan massage ku qoro oo aan ku dhahaayo aboowe ila sooxiriir intaas uguma aana ekeeyne waxaan go aan saday inaan marnaba qadka ka bixin si aanan u seegin xiliga uu Online ka soo noqonayo .
Habeen habeenada kamid ah anigoo heesihiisa daawanaya ayaan shaashadda ka arkay Studio Balan baalis iyo taleefoono meesha ku qoran , taleefoonkii ayaan qortay kadibna waan wacay waxaa iga qabtay wiil waxaan ku dhahay waxaan rabaa Liil Baliil taleefoonkiisa kadibna wiilkii wuu isiiyay waan wacay waxaan dhahay aboowe Liil miyaa ? haa ayuu dhahay laakin shaqo ayaan ku jiraa.
Isla markaasi waxaan u sheegay qofkaan ahay iyo sidaan u taageero ileen jaceyl horay lagama sheegi karee, habeen ayaan khadka ku arkay balse si fiican hadalkeyga uguma uusan soo jeedin, balse habeen aniga oo khadka facebookga ku jira ayaan arkay isagoo meesha kusooqoray Caawa yaa ila soo jeedaaya? Kadibna comment ayaan ugu qoray Anigaa Kula soo jeedaaya.