Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 12 July 2025

Caafimaadka: Maxaa Sababa Madoowga Indhaha Hoostooda Iyo Bararka By Amina C/laahi Mohamed

Sunday - Feb 10, 2013

Marka hore waxaan salaamayaa bahda saxaafada iyo  halwadeenadeeda kala jooga calamka daafihiisa oo dhan, waxan kaloon salaamayaa akhristayaasha shabakadan iyo hablaha sida tooska ah oo la socda maqaaladayda wiiglaha ah eek u saabsan daryeelka jirka iyo quruxda dumarka.
Barmaamijkayga manta waxan idinku hayaa oo aan soo qatay madoowga ku dhaca indhaha hoostooda iyo bararka, runtiina dhantaala quruxda wajiga dumarka. Waxaan marka hore indin yar dareensiinaya waxyaabah keena oo dhan dhibtan soo gaarta indhaha hoostooda.
Madowgan indhaha hoostooda ku dhaca, ayaa dad badani isoo waydiiyeen, waxyaabah lagu gooyn karo.  Sababtaas awgeed,waxan jecelahay inaan ka hadlo waxa keena, iyo sida la isaga gooyn karo. Waxaa jirta marka hore,  Somali ahaan waxaynu cunaa cuntooyinka kuwa ugu cafimad darada badan ee ay ka midka yihiin , bariis, baasto, suugo, besbaas, iyo wixii milix iyo saliidiba ku badan tahay. Cuntooyinkan ayaa ah kuwa ugu badan ee dila jirka dumarka, gaar ahaan indhaha hoostooda.
Hadaba, madoowgan ayaa ah mid ku yimaada xaalado caafimad daro awgood, oo kale duwan, waxaana sababa jirka ay ku yaalaan indhuhu oo ah, jirka ugu khafiifsan jirka wajiga, runtiina aad u jelicsan oo hadii aan la ilaalin ama aan la daryeelin halis u ah wax yaabo badan oo ku dhaca. Dhiiga bina aadamka ayaa markuu wareega sameeynayo soo dhex mara xidido yar yar, kuwaasoo loo yaqaano (capillaries) oo  sababa dhibaatada ugu wayn ee indhaha ku timaada, xididadan  ayaa hadii ay soo gaaraan awood daro ay ku mari  kari wayaan dhiigagu, noqda kuwa daciifa runtiina dhiigaasi uu  ku soo duxo, jirka gaar ahaan indhaha hoostooda, indhaha hoostooda oo ah halka ugu khafiifsan jidhka, ayaan haba yaraatee  u saamixin inuu dhiiga wareegeesu u  maro si fiican.
Sababahan, ayaa ah kuwo ku yimaada uun xaaladaha caafimad daro iyo jirkoo  nafaqadoodu is dhinto. Dhiigagan ayaa markay ku soo duxaan jirka indhaha hoostooda fadhiista, ka bacdin ilaa ay soo gaarayaan jirka sare oo ay ka dhigayaan jir madoow. Dhiiga kacsan ama loo yaqaano dhiig karka ayaa isna keen indhaha hoostoodu bararto, iyo cuntada milixda badan.
Masaliska wajiga (facial muscles) ayaa iyaguna noqda kuwo isku soo uruura, ama bilaa awood noqda , marka qofka xaladiisa cafiimaaad is badasho.
Waxa kaloo iyaguna keena dhibatadan madoowga indhaha hoostooda, maadooyinka jirka  siiya nafaqada oo  door wayn ka qaata quruxda jirka markay yaryihiin dumarku loona yaqaano (collagen) oo ka samaysan (amino acid), hadii ay daciifaan oo ay shaqayn kari waayaan dhibatadana ku timada dumarka, waxa fiican inay gabadhu ilaaliso jirkeeda inta ay yartahay, wallow ay danba u daciifaan maadooyinkani quruxduna guurto marka la gaboobo!?
 
Dhibatada kale ee laga qado madoowgan ayaa ah makeup- lagu seexdo, kaasoo indhaha soo gaarsiiya dhibato kale, runtii jirka indhahu ay ku yaalan ayaa ah jir u bahan in si taxdir leh loo ilaaliyo, ama lala socdo jirku wuxu u bahanyahay ama uu tabayo.
Hadaba, markaa qofka biniaadamka ah ay isbadasho xaladiisa caafimad, kuwaasoo kale ah:
·        Hurdo La,aan
·        Wel wel iyo walbahaaar  (stress)
·        Indhaha oo cun cuna qofka (allergies)
·        Sigaarka badan ee la cabo, wallow dumarku shaqo ku lahayn!?
·        Biyo yaraanta (dehydration)
·        Daalka badan ee ku dhaca cirbaha qofka, ama kululaada
·        Bunka badan ee la cabo
·        gaboowga (ageing)
·        Oohinta badan
·        Sanboorka iyo Marmarka badan ee indhaha lagu sameeyo
 
Hadaba, waxyabahan kor ku qoran oo dhan baa keena indhaha hoostoodu madoowato, iyagoo qarkood ay ku noqoto haaro. Runtii madoowgan ayaa ah mid dhib wayn soo gaarsiiya jirka wajiga. Hadaba, hablaha qaar baa u haysta in madoowgan oo kale dawo la marin karo si loogu cadeeyo!? Xaqiiqdiina indhaha hoostoda dawo lama marin karo,  dawo kastana ma cadayn karto, wa arrin u bahan inuu qofku noloshiisa wax ka badalo lana kaashado dhakhaatiirta, way jiraan waxyaabo loogu talo galay oo la marin karaa, marka qofku uu xaaladahan jirkiisa dilayo badalo. Waxa caawin kara wax loo yaqaano (Eye treatments).
 Madoowgan indhaha hoostooda ku dhaca, ayaa ku kala badan dumarka, runtiina dadka ku nool dhulka cad ceeda kulul way ku bataa madoowgani, oo cadceedaa dhibaato soo gaarsiisa iyaduna. Hadaba qofkii awooda waxa fiican in uu wax cadceeda ka celiya uu marsado (sun creams).
Hadaba, waxyaabah la iska biin karo, ama la iskaga ilaalin karo madoowgan ku dhaca indhaha hoostoda waxaa ka mida:
·        Vitamin C-
·        Vitamin E-
·        Vitamin k-
·        Vitamin A-
·        Biyo badan oo la cabo
·        Hurdo (8 sacadood ah) oo qofku seexdo
·        Duugis lagu sameeyo indhaha hoostooda
·        Cuntooyinka khudarta ah ee akhdarka ah
·        Canbaha, xabxabka, iwm
·        Khayaarka (cucumber) oo la saaro indhah dushooda
·        Salar iyo tamandho
·        Kaluun
·        Shahyada loo yaqaan (naturally caffeine free)
 
Quruxdan jirka dumarka ayaa ah mid u baahan had iyo jeer inay ilaaliyaan naftoodu waxay u baahantahay inay cunaan, fitamiino,iwm.  Quruxi maaha wax la isku cadeeyo oo waliba habeenkii lagu seexdo, !…………?
 
Fiiro gaar ah: hablaha qofkii haya wax fikrad ah oo aynu kaga hadli karno dhibatada is cadayntu u keentay hablaha somaaliyee, waxan ka codsanayaa inantii fikrad haysaa ha ila soo xidhidho si aan meel oga soo wada jeedsano.