Cilmi Baaris Lagu Ogaaday Goobti Ay Ku Wada Kulmeen Nabiyu Laahi Musa CSW Iyo Adoonki Saalaxa Ee Kh.
Monday - Feb 11, 2013
Digtoor Cabdi Raxiim Riixaani oo isagu Caalim
si gaara ugu ah raadadki Zamaanadi hore ayaa dhawaan climi baaris dayax gacmeed
ku qotonta ku soo saaray goobti ay ku
wada kulmeen Nabiyu laahi Muuse iyo adoonki wardiga shahaadada weheshan jiray saalaxa ah
ee Khadar .. Digtoor al-caalim Riixaani oo asal ahaan u dhashay dalkaas Masar
waxuu sheegay in majmaca baxreynka ee
alle Qawlkiisa ku tilmaamay suurada al-kahaf
gaara ahaan aayada 60aad illa 82 ay ku taalo mandiqada Ras maxamed ee ku
taal magaalada Sharm-sheekh masar ee ay ku wada kulmaan biyaha Khaliij Caqaba
Iyo Khaliijka Suweys ee konfurta Siinai
Digtoor Riixaani isagoo adeegsaday dayax gacmeedka casriga ee qaada sawirada
dhulka hoose ayaa si xadadan u tilmaamay gobti Sakhrada (dhagaxi) ay ku wada kulmeen
Nabi Muuse CSW Iyo Adoonki saalaxa ahaa
ee Khadar CS waqti laga joogo 3200 sano.
Caalimka ayaa hadalkiisi raacshay in
masaafadi Malaayiga-xuutka u isaga jaray dhagaxa iyo Biyaha bada, ay dhameyd masaafo 2km , isla markaa Nabi Muuse
halka u miyirkiisa ku xasuustay Xuutki qadada u ahaa iyo dhagaxi u ka yimd
waxaa lagu qiyaasay iyadana 2km .. sido kale marsada-dekada ay doonta ka raaceen
Nabi Muuse iyo Adoonka Alle Khadar waxay dhagaxa( Sakhrah) u jirta 300 oo mitir.
Sida la sheegay Doonta la xusay waxay ka
timid xaga iyo Zuweys waxayna u socotay xaga iyo Khalijka Caqaba oo waqtigaas ahayd
dhabo ay ku sugan-yihiin boqoro horror
ah muruq ku faanaya oo doomaha dadka tabarta daran maalin iyo leyl lagu afduubto.
Waxaa xusid mudan waa sida taariikhda dad qoreene in Qoomkii reer Bani israaiil ay Nabigoodi Muuse CS weydiiyeen cida aduunkaan ugu cilmi sareysa waxaana u ku jawaabay ayaa la yiri inu isagu yahay kan wax badan alle ka sokow wax Og kadibna jawaabtaas awgeed ayaa alle halkaas u diray si u ula kulmo adoon saalaxa oo majmaca badaha jooga si u ogaado awooda cilmigiisa sida ay u xadadantahay..