Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 12 July 2025

Kursigi Madaxweynaha Jabuuti Ismaciil Cumar Geelle Oo Iminka Dood Galay

Thursday - Feb 14, 2013

Jabuuti – Wararka ka imanaya magaalada Jabuuti  ee dalka Jabuuti ayaa sheegeya in masuulkii ugu sarreeyey magaaladaasi ahaana duqa magaaladaasi uu ku biiray mucaaradka ismaaciil  Cuma geelle .Waxa kale oo wararkaasina sheegeyaan in sheekhi muftiga magaaladaasi Bashiir uu ku biiray mucaaradka dalkaasi .

Waa markii u horreysay ee masuuliyiin ka tirsan xukuumadda simaaciil Cumar geelle ay ku biiraan mucaaradka .. Xaflad lagu soo dhaweynayey masuuliyiintan mucaaradka ah kana dhacday xarunrta xisbiga Mucaaradka ugu weyn ee isbahaysiga ka soo horjeeda siyaasada Ina Cumar Geelle ayaa labadaa masuulba kaga dhawaaqeen inay dagaal siyaasadeed la galayaan madaxweynaha dalkaasi oo doorashooyinka baarlamaanka ee soo socda si loo waayo aqlabiyadda xisbiga dalkaasi xukuma u ka helo kuraasta baarlamaanka,