Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 12 July 2025

Gacan Ku Dhiiglihi Dilay Shiikh C/qaadir Oo Markii Dambe Sheegtay Habar Jeclo (Aadan Madoobe)

Saturday - Feb 16, 2013

Garoowe: (pp)- Gacan ku dhiiglihii dilay Allaha u naxariistee Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo markii gacanta lagu soo dhigay, oo la waraystay ayaa sheegay Qabiilka uu yahay , wuxuuna ninkan uu sheegtay markii shacabkii qabtay ay Waraysteen inuu ka soo jeedo Beel ka mid ah Beelaha Hartiga , haddana markii ay la wareegeen isla markaasna ay baareen Ciidamada CID-da- Puntland ayuu sheegay inuu ka soo jeedo Beesha Isaaq Habar Jeclo, Aadan Madoobe oo ah Reerka U Ka Soo Jeedo Axmed Siilaanyo, waxaa kalo gacan ku dhiigluhu sheegay in hooyadiis ay tahay Dhulbahante (Saciid Harti).

Gacan ku dhiiglihii dilay Sh. C/qaadir N. Faarax Wuxuu kaloo sheegay  in Weerarkii  ismiidaaminta Gaalkacyo ee lagu dhaawacay 22-ka qof ee Gen. Muxuyadiina lagu doonayey in lagu khaarajiyo iyo dagaalada ka socda Galgala iyo Dilka Sheekha ay Yihiin kuwa Wada socda,
waxaase laamaha amniga warkooda ku sheegeen in xogta laga helo gacan ku dhiiglaha banaanka loo soo saari doono.