Suldaan Xasan Suldaan X.Maxamud Suldaan Cilmi O Sheegay Xiliga U Furmaayo Shirka Maamul U Sameynta..
Sunday - Feb 17, 2013
Kismaayo - Caasimada Maamul Goboledka Jubooyinka ee Kismaayo ayaa maalmaha soo socda waxaa tegaya inta dhiman ergada looga baahan yahay inay ka qayb qaataan shirka maamulka loogu samaynayo jubbaland , waxaana labada maalmood ee socda laga sugayaa caasimada Kismaayo mid ka mid Saxiixayaasha ugu tunka roon masuuliyiinta maamul u samaynta Jubbooyinka Prof, Gaandi.C/naasir oo ka mid ah Ergada ka qayb galaysa shirka waxuuna sheegay in nabadgelyada magaalada ay aad u wanaagsan tahay isla markaana ka soo raynayso, dad badana oo deegaanka ah-na ay dib ugu soo noqdeen magaalada, kaddib markii ay dareemeen ayuu yiri in magaalada ay ka jirto nabadgelyo la isku halayn karo waxuuna Maamulka kumeel gaarka ah ku tilmaamay inay aad ugu dadaaleen wax ka qabashada dhanka nabadgelyada , iyagoo muujiyey masuuliyad ay ku hanan karaan nabadgelyada guud ee deegaanka.
Sido kale suldaanka Juba-land ee beesha Leelkase Suldaan Xasan Suldaan Xaaji Maxamuud ayaa isna dhiniciisa ka sheegay in shirka ergooyinka uu furmayo 23-ka bishan shirkaas oo uu sheegay inu ka dhici doono Jaamacada Kismaayo University, lana diyaariyey meelihii ay ergooyinku seexan lahaayeen iyo Cuntadii iyo qalabkii farsamada ee shirka lagu qaban lahaa waxuuna rajo fiican ka muujiyey in shirkaas u ku dhamaan-doono guul iyo nabad intaba.
Sikastaba, waqtigan dadka deegaanka ka soo jeeda ayaa dhammaantood ka midaysan ayna ka goaan tahay inay helaan nabadgelyo iyo hogaan wanaagsan oo hanan kara masuuliyada deegaanka kaga aadan oo ay soo xushaan.
Waxaase shaki ballaaran ay dadka deegaanku ka muujiyaan kooxo sheegta inay saxaafad yihiin haddana sheegtay inay deegaanka ka soo jeedaan isla markaasna ku dadaalaya inay kala dilaan dadka walaalaha ee ku wada nool deegaanka jubbooyinka , kuwaas oo looga digayo in ay ka waantoobaan waxyaalaha aan jirin ee ay ka fidinayaan dadka wada dhashay ee aan kala maraami karin ee deegaanka kusoo wada noolaa qarniyo badan.