Kooxo Qooqan Oo Falal Dil Iyo Dhaawac U Geystay Shicib Degan Xaafadaha Garsoor Iyo Israac
Tuesday - Feb 19, 2013
Sida ay xaqiijiyeen saraakiisha saldiga amniga Gaalkacyo waxaa xalay xaafada Garsoor lagu dad shacab ah oo degaankaas ka mid ahaa .. Kooxda wax dishay waxaa la yiri waxay wateen gaari dabadeedna marka ay xaafada soo galeen waxay rasaas ku fureen dad shacab ah oo goob ku xoonsanaa, waxaana isla goobta ku dhintey laba nin halka nin sadexaad uu ku geeriyoodey markii Isbitaalka la geeyey, waxaana ku dhaawacmay laba qof oo kale, isla markaa Sida la xusay dhinaca kale ee xaafada Israac waxaa iyadana shalay lagu dilay afar qof oo degaankaas ah
Dadka dhintey ayaa labo dadka deegaanka ah, halka ninka saddexaad ee isbitaalka ku dhintey uu kasoo jeedo deegaanka Janaale ee Marka, sido kale dhinaca xaafada Israac waxaa iyadana shalay lagu dilay afar qof, taaso guud ahaan afar cisho gudaheed magalada gaalkacyo lagu dilay illa todoba Qof
Kooxaha Falka Geystay waxaa la sheegay iney u fakadeen xaafada Koonfurta Gaalkacyo, oo sidaas waxaa xaqiijiyey dad goob joogayaal ahaa.