Himiladi Ahayd In Shirki Maamul U Sameynta Jubaland Maanta Furmo Oo Dib U dhacay
Saturday - Feb 23, 2013
Juba-land-Kismaayo: Sida Awlba saadaasha ahayd Shirkii Maamul u sameynta Jubooyinka iyo Gobolka Gedo ayaa illa todoba casho dib loo dhigey, waxaana warku inta ku daraya in qamqaamada iyo abaabulka shirka ay wax badan oo loo baahanyahay wax ka dhimanyihiin , waxaase la filaya in shirkaas oo dhameystiran la furi-doono horaanta asbuuca
Dib u dhaca shirka waxaa kalo sababay dibu dhac ku yimid Ergooyinkii Gobolka Gedo oo weli kulankoodi garbahaaraey aan si buuxda isugu afgaran ka qayb galka shirkaas iyo sido kale arimo lagu sheegay diyaaradii kasoo qaadi lahayd ergadi Luuq, Doolow iyo Balad-xaawo oo ka daahday