Madaxweyne Xasan Shiikh Oo Gaaray Dalka Qadar Kadib Martiqaad U Ka Helay Amiirka Qadar
Monday - March 4, 2013
Qadar Dooxa:Madaxweynaha Somaaliya Mudane Xasan Shiikh ayaa martiqaad rasmiya ka helay Amiirka Qatar lamana oga ujeedada ka dambaysa martiqaadka,waxaase ilo kaladuwani oo laga xigtay rag ka agdhaw hawl-wadeenada madaxtooyada sheegeen, in uu jiro cilaaqaad saaxiibtimo oo ka dhexeeya madaxweynaha laftiisa iyo dawlada Qatar taasoo saamayn dhaqaale ku lahayd doorashadii kal hore ee madaxweyne Xasan shiikh uu ku soo baxay
Hasa ahaate dhinac kale ayaa iyaguna tilmaamay in ujeedada socdaalka madaxweyne Xasan Shiikh ay ka dambeyso lacag malaayiin ah oo loogu yeeray inu kala wareego khasnada guud ee Qadar, lacgtaas oo la yiri waxaa loogu tala galay in lagu fuliyo hawlaha sugida amaanka ee somaaliya .. madaweynaha socdaalkiisa Qadar waxaa ku weheliya wasiirka Maaliyada iyo taliyaha nabadsugida Qaranka..