Nin Naftiisa Iyo Qoyskiisi Ay Isla Daganaayeen Hargeysa Oo Ku Haligay Toorey
Friday - March 8, 2013
Hargeysa: Aabo dhalay laba Carruur ah iyo Hooyadood ayaa dhamaantoodba qudha kaga jaray Tooray uu sitay kadibna waxa uu isku dayay inuu naftiisa haligo waxaana la keenay isagoo sakaraad ah Cisbitaalka Hargeysa.
Aabahan oo la oran jiray C/raxmaan Axmed Maxamed waxa la sheegay inuu xalay goor danbe Qoyskiisa oo guriga jooga dilay kuwaasoo ka koobnaa laba Carruur ah iyo Hooyadood, halka markii uu qoyskiisii Xasuuqay isna markii danbe tooraydii isla dhacay si uu nafta isaga jaro balse Jaarku ka war heleen.
ilaa hada lama oga sababta rasmiga ah ee Aabahan ku kaliftay inuu Qoyskiisii iyo Naftiisiiba haligo, balse waxa loo aanaynayaa inay ka mid tahay dhibaatooyinka Adduunka ka dhaca mid ka mid ah oo noqonaysa tii ugu xumayd ee Qoys Reer Hargeysa ku dhacda.