Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 13 July 2025

Madaxweynaha Dalka Masar Mudane Maxamed Marsi Oo Dhawaan Booqasho Ku Tagaya Somaliya

Sunday - March 10, 2013

Mogadisho: Wafti ka socda dawlada Masar oo u hogaaminaayo Wasiirka Arimaha Dibada Masar ayaa barqanimadi maanta ka soo degay garoonka magaalada Mogdisho .. Wafdigaas oo u hogaaminaayo wasiirka arimaha Dibada  Ee Masar Maxamed Kamel Canar ayaa waxaa garoonka diyaarada sii diiran ugu soo dhaweeyey Riisal Wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arimaha Dibada Marwo Fawziya Xaaji Aadan , wasiirka gaashandhiga iyo masuullin kale oo ka tirsan dawlada, sido kale waxaa garoonka ku soo dhaweeyey danjirayaasha u fadhiya somaaliya qaar ka mid ah wadamada carabta.

Isla markiiba wafdiga ayaa loo sii gudbiyey dhinaca madaxtooyada Qaranka iyadoo la filaayo iney wada hadal la qaataan madaxda dawlada, waxaana la sheegay in wafdigaas uu gogol-xaar u yahay booqasho u dalka ku imaan-doono madaxweynaha dalka Masar Maxamed Marsi .. lama shaacin ujeedada madaxweynaha Masar u ku imaandoono dalkaan Somaaliya hasa ahaate ila wareed ayaa xiganaya in boqashadu ay la xariirto Masar oo dooneysa iney kaalinteedi hogaanimadi caalamka Carabta dib u soo ceshato.