Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 12 July 2025

Sheeko Qosol Badan Oo Dalka Qadar Ku Dhex Martay M/weyne Xasan Shiikh Iyo Fawsiya X. Aadan

Sunday - March 10, 2013

Tariikhdu markii ay ahay 4/3/2013 waxaa Dalka Dooxa Qadar Wafti ugu anbabaxay Madaxwaynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafti uu hogaminayo oo ay ka Mid tahay Gabadha sida Firfirconida leh ula shaqaysa Madaxweynaha ahna Wasiirka Wasarada Arimaha Dibada iyo Raiisal Wasare ku Xigeenka

Waftigasi markii uu gaaray Dalka Qadar waxa ay la kulmeen Amiira Dalkasi Sheekh Xamaad Binu Khaliifa ,wada Hadalkii dhexmaray ka bacdi ayaa markii Waftigii Somalida ay ka baxeen Qasrigii Madaxtooyada ee Qadar isla markana ay Tagan yihiin Albaabkii ay ka raaci lahayeen Babuurta aadka u Qurxoon ee loogu talagalay Martida .. Hadaaba si loo geeyo Hotelkii ay Magalada Dooxa ka daganayeen ayaa waxaa Qaaday Babuur loogu talagalay markii ay tageen Hotelkii Balse anay wali Galin ayaa Madaxwayne Xasan Sheekh waxa uu la hadlay Waftigii la socday gaar ahaan Fowsiya oo markaas dhiniciisa taagneyd waxaanu ku yiri " wasiir mar hadii ay inoo dhamatay Wadahadalkii inaga iyo Madaxwaynaha Qadar waxa ay noqonaysaa in aynu Dalkii ku noqono oo Hadaba inta aynan noqon waxaa inoo Fican in aan la kulano Dadka Somalida oo la ii Sheegay in Wadanka Qadar ay aad u Dagan yihiin ,miyanay idinla ahayn amma Fowsiya kula ahayn in aynu Dadkasi aynu Madaxda u nahay la kulano"

Hadalkasi ka bacdi waxaa goobti ka hadashay wasiir Fowsiya iyada oo Qoslaysa kkkkkkk ayay waxa ay tiri Madaxwayne Halkan Qadar Cidi inagama Joogto .. dabadeed Madaxwaynahii oo Hadalklasi Fowsiya ka yaban ayaa waxa uu yiri?
Fowsiya maxaa tiri Miyaan jaaliyad Somali joogin?

Fowsiya oo Qosol kala joojin wayday ayaa waxa ay tirii ma jogaan Halkan waxaa jooga Somaliland.

Madaxwayne Xasan oo Yaban ayaa yiri miyaynaan Reer Somaliland la kulmi karin?

Fowsiya oo Qosl la ilka cadeyneysa ayaa inta ay Madaxwaynaha Garabka Qabatay ayay waxa ay ku tiri Madaxwayne Diyarada hore inoo saar intaan Madaxwayne Silaanyo inagu soo gaarin.

Soo Gudbiye Qareen/ Khadar Ibrahim Aar