Generaaladi Hiilka Iyo Mitidka Ku Ahaa Dagaaladi 77 Kuna Dhaga Nugul Amarka Oo Loo Magacaabay X.D. S
Wednesday - March 13, 2013
Mogadisho-Madaxweyaha Somaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa maanta xilkii ka qaaday Taliyihii Guud iyo Abaanduulahii Guud ee Ciidamada qalabka sida ee Somaliya, oo kala ahaa C/Qaadir Shiikh Cali Diini iyo Abaanduulihiisi C/risaaq Yuusuf Dhaga badane, wuxuuna taas bedelkeeda magacaabay Taliye guud iyo Abaanduulaha guud oo cusub.
Isla markaa Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa xilka Taliyaha Guud ee ciidamada qalabka sida u magacaabay General Daahir A.Cilmi oo ku magac dheer indha-Qarsho,halka uu Abaanduulaha Guud ee ciidamada qalabka sida u magacaabay General Cabdirisaaq Khaliif.
General Indha Qarshe oo loo magacaabay taliyaha guud ee ciidanka waxuu ahaa saraakiishi horay doorka wacan ka qaatay dagaalkii 77 isagoo ku shuhuroobay mitidna ku ahaa gringirinta madaaficda goobta oo kharaar iyo balal Rasaaseed hadba koone kaga tusay ciidamadi ka soo horjeeday oo halkaas jab iyo hoog kala kulmay, waxaana xusid mudan in wixii dagaal sokeeye iyo markii la isku dhacay ee la is haraatiyey u isagu waxbarasho iyo degaanba ku noola cariga mareykanka gaar ahaan magalada Boston .. General Indha-Qarsho waxay qaraabo soke yihiin alaha u naxariiste General Liiq-Liiqato
Dhinaca kale General C/Risaaq Khaliif oo isagu loo magacaabay Abaanduulaha Xoga Dalka waxuu ka mid ahaa saraakiishi ku xeel-dheereed tabaha gurmadka komandooska la soo daadsho ee dagaaladi 77, waxuu ahaa sarkaalkii hawlgalin jirtay wixii gaasas iyo jeysh is daba joogay, horayna waxbarasho milatari loogu soo diray dalka mareykanka hasa ahaate muddooyinkii dambe waxuu ku noolaa dalka kanada magalada Toronto .. General C/riisaaq waxay isku bah yihiin Raiisal wasaare Saacid Faarax.
Geesta kale waxaa wararku sugayaan In General C/Qaadir Shiikh Cali Diini Iyo Abaanduulihiisa Dhaga-badan ay iyagu laba bilood ka hor keeneen istaqaalad ay ku weydiisanayaan ka tagid shaqo, sido kale waxaa iyagana arjigooda istaqaalada horay sidaa la mida madaxweynaha ugu soo gudbiyey agaasimaha Nabadsugida Fiqi Iyo Taliyaha boliska General Maye oo waxaa la filayaa in badalkooda iyaguna dhawaan soo baxaan.