Sheeko Ujeedeysan: Diinkii Yiri Aan Duulo By Prof. C/salaam Yaasiin
Saturday - March 16, 2013
Diin ayaa noloshiisii dhulyaalka iyo gaabiska ahayd nebcaaday. Wuxu jeclaystay in uu sida shimbraha duulo oo cirka heehaabo; guudkana ka soo eego dhulkan iyo dhirtan uu ku abaaday ee dhex gurguuranayo. Asaga oo naftiisa la hadlaya wuxu ku yiri, Hadaan mar uun samada u bixi lahaa, sidaa shimbraha oo kale ayaan duuli lahaa.
Wuxu naftiisa u sheekeeyo oo uu naawilo in uu maruun duuloba, maalin ayaa geed uu hoos jiifay gorgor ku soo degay. Gorgogiikii ayuu la hadalay oo ku yiri Gorgorow, wax alla wax- aan maal aduun leeyahay ayaan ku siinayaa duulista i bar. Gorgorkii ayaa ku yiri, Ma suuro gelayso, Diinow, taasi. Waayo? Ayuu weydiiyay diinki. Dee baalalba ma lihide, maxaad duushaa?
Diinki kuma qancin doodii gorogorka eh, doonistiisii ayuu ku adkaystay oo ku celceliyay. Gorgorkii ayuu ku yiri, Bal horta, itijaabi oo kor samada iigu qaad, ka dibna isii daa anaa iskayga u duulaye.
Gorgorkii oo baryadii diinka ku dhegabarjoobay, ayaa yirl, Bal waayahaye, is diyaari. Ka dib markuu diinki is diyaariyay, ayuu gorgorkii kor u qaaday oo samada ula duulay. Cabaar markuu hayay ayuu ku yiri, Waan ku sii daynayaa la kala bax gacmaha iyo lugaha si aad ugu duushid. Waa ku kaa! intuu yiri gorgorki ayuu sii daayay.
Intaanu jawaab u celin, ayaa gorgorki wuxu arkay diinkii oo limaday oo si xawaaro leh hoos ugu dhacaya. Siduu u xiimayay ayuu dhagax weyn ku dhacay, markaasaa firidhba meel ku duulay. Gorgorkii oo aad uga xun waxa ku dhacay diinkii ayaa naftiisii ku yiri, Intee lahaa, Diinow, yaad dakaamine, dildilaacine, dusha sare iyo duulista ilow ! Bal imika, wadigaa degee, dildilaacee, yaale dembigaa?