Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 12 July 2025

Cag-madhigayaashi Shabab Oo Ku Fashalay Iney Korneyl Ereg Oogadiisa Ka Dhigaan Waslad-Waslad Hiliba

Monday - March 18, 2013

Waxaa goor sii dhaweyd Qarax Xoogan oo ismiidaamin ah uu ka dhacay afaafka hore ee Ex-Fiyoore ee Magaalada Muqdisho Qaraxaa oo la sheegay in loo adeegsaday gaari waxyaabha qarxa laga soo buuxiyay.
 
Gaariga Waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo loo badinayo in uu waday nin naftiis hore ah ayaa la sheegay in noociisa uu ahaa Surf waxaana Wararka la helaayo sheegayaan in qaraxu dhacay xili  ay halkaasi marayeen gawaari ay wateen Ciidamo ka tirsan Nabad Sugida oo u ku jiro taliyihii nabadsugida gobolka Banaadir oo isagu sida la sheegay ahaa taargetka la doonaayey hasa ahaate si mucjisa ah uga badbaaday.
 
Inta la xaqiijiyay in kabadan 10-qof oo u badnaa dad Shacab ah ayaa ku dhintay Weerarka Is-miidaaminta ah iyadoona tiro intaa ka badan ee dhaawacyo halis ah ka soo gaareen dabadeedna loola cararay goobaha caafimaad ee Magaalada Muqdisho si loo bad baadiyo.
Dadka dhintay Waxaa ku jira Askar ka tirsan Ciidanka Dowlada oo halkaasi ku sugnaa iyo sidoo kale ay halkaasi ku dhinteen dad badan oo isugu jira Arday iyo Rayid oo saarnaa gawaari PL ah oo xiligaasi goobta uu qaraxu ka dhacayya marayay
Qaraxa ayaa ka dhacay afaafka hore ee Ex-Fiyoore waxaana halkaasi ku yaalay Baar iyo Goobo ganacsi oo gabi ahaan ku bur buray Qaraxa xoogan iyadoona dad badan oo waxyeelo ka soo gaartay Qaraxaasi ee ku gubteen halka kuwa kalana uu jirkooda cad cad u jar jarmay kuwaa oo dadki arkay ay ada ugu murgoon iskana ooyeen.
 
Muuqaalo laga soo qaaday goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa muujinaya dhacdooyin xanuun badan oo indha aan loo dhameestiri Karin waxaana gurmadyo kala duwan u fidiyay dadkii waxyeelada soo gaartay Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada oo gawaarida Ambalaasta ah dadka ku qaaadayay.