Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 12 July 2025

Al-Shabaab Oo Maanta Mar Labaad Ka Hadashay Weerarkii Shalay Kuna Hanjabtay Mid Kale oo Lagu Hoobto

Tuesday - March 19, 2013

Hargeysa – Kooxda Al-shabaab oo sheegatay qaraxii shalay Muqdisho lagula beegsaday Taliyaha ciidamada nabad-sugida gobolka Banaadir, balse ay ku naf-waayeen ilaa toban qof oo kale, ayaa maanta mar labaad ka hadashay weerarkaasi.
 
Qoraal maanta ka soo baxay kooxda Al-shabaab ayaa lagu sheegay in weerarkaasi is-miidaaminta ahaa loogu aar-gudayey dhalinyaro maydadkooda laga helay xaafadaha Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo hore Al-shabaab u sheegtay inay ka mid ahaayeen dagaalyahanadooda isla-markaana ciidamada dawladdu ay laayeen.
 
Qoraaka Al-shabaab ayaa lagu yidhi sidan  “Mar hore waan sheegnay, haddana Alle fadligiis waan fulineynaa, dhiiggii dhalinyarada reer Muqdisho waa masuuliyad dusheena saaran, howlgalkii shalay wuxuu aargudasho u ahaa tacaddiyadaas foosha xun” Sida qoraalkooda ka muuqata AL-shabaab waxay sheegtay inay sii wadayso Qaraxyada is-miidaaminta ah.