Shabaabkii Dilka Iyo Gawraca Aan Ka Yaqyaq-san Jirin Oo Si Araxan Daro Ah U Dilay Shiikhi Xudur
Wednesday - March 20, 2013
Shiikha oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Macalin Warsame, ayaa isagoo la qalay, waxaa meydkiisa laga gelay meel ku dhow gurigiisa, waxaana la sheegay in lagala baxay guriga inta aan la dilin.
illaa hadda si rasmi ah looma cadeyn cida dishay Sheekh Cabdiraxaan, laakin waxaa goobta lagu dilay gacanta ku heysa ururka Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida, waxaase hadal haynta ugu badan magalada Xudur laga sheegaya in shiikha u si dhaba uga soo horjeeday falsafada iyo aragtida guracan ee ay ku duulayaan kooxhaas.
Sheikh Cabdiraxmaan ayaa la sheegay in muddo 40 sanadood uu Imaan ka ahaa Masjid ku yaala Magaalada Xudur, kana aqrin jiray daruusta diinta, gaar ahaan tafsiirka quraanka.
Dhinaca kale, wararka laga helaayo magaalada Diinsoor ee gobalka Baay ayaa sheegaya in halkaas uu xaley ka dhacaya qarax wayn oo geestay khasaaro naf iyo maal.
Xarun ay joogeen Al-Shabaab ayaa la sheegay in uu ku qarxay gaari ay ka buuxaan walxaha qarxa.oo la rabay in loo adeegsado qarax ismiidaamin ah.
Dadka deeganka ayaa sheegay in saraakiil sare oo ka tirsan Al-Shababa ku dhinteen qarax, waxaa kaloo ku burburay gaadiid badna oo yaallay goobta uu qaraxa ka dhacay.
Al-Shabaab ayaa howgalo dagaal ka wada gobalada Baay iyo Bakool, kaddib markii ciidamada Ethiopia iyo kuwa kuwa Soomaaliya ay xudur isaga baxeen.