Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 13 July 2025

Qarax Is-midaamin Ah Oo U Ku Dhawacmay Taliyihi Saldhiga Bakaaraha Korneyl Sokor

Thursday - March 21, 2013

Mogdisho: Waxaa galabta goor maqribnimo ah sida la sheegay wiil curdan ah oo dhankasta u boodboodaya jaahwarersan ayaa markii dambe isku Ag Qaarxiyey goob u dhaw saldhiga boliska ee Bakaaraha, dabadeed halkaas waxaa ku dhintay hal Qof oo la yiri waa kii is- Qarxiyey hasa ahaate dadka dhaawacmay waxaa ku jira taliyaha booliska qaybta suuqa Bakaaraha oo lagu magacaabo Sokor,  sido kale labada qof ee kale ee goobtaas wax ku noqday waa gabdho ay middood shaah ku iibineysay agagaarka uu qaraxa ka dhacay.
Taliyaha waxaa la sheegay inuu soo gaaray dhaawac khafiifa , waxaana lagu daweynayaa mid ka mid ah xarumaha caafimaadka ee Muqdisho .. Korneyl Sokor waa sarkaal si weyn shaqadiisa iyo waxqbadkiisa looga jecelyahay suuqa Bakaaraha waxuuna soo maray maalmo murugo iyo culeys badani sarnaa mudadi ay halkaas iyo bakaaraha ay ka socdeen qulqulato dagaal iyo qas badani .. waana sarkaalka qura ee beesha darood taliye saldhig ah markii la eego guud ahaan saldhigyada degmooyinka Mogdisho oo tiradooda gaareyso illa 30 saldhig 
 
Isniintii ayaa qarax ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa wuxuu ka dhacay agagaarka xarunta Ex-Fiyoore ee magaalada Muqdisho, waxaana ku dhintay illa 15 qof oo u badan dad shicb ah oo wadadaas marsheynaayey.