Madaxweyne Obama " Qofkii Inkirsan Israaiil Waxuu Diidanyahay Cirka Iyo Dhulka"
Friday - March 22, 2013
Quddus - Madexwaynaha dalka Maraykanka Barack Obama ayaa saddexdii cisho ee u dambeysey safar ku joogey Bariga Dhexe, gaar ahaan dalka Israel, taasi oo noqonaysa booqashadii ugu horeysey ee uu ku tago intii uu Madaxwaynaha noqdey.
Dadka ka faalooda arimaha Bariga Dhexe, waxa ay leeyhiin. Si weyn ayey Israel uga mabsuuday hadaladii uu jeedeyey iyo shirarkii uu Obama la yeeshey Madaxda Isreal maalmihii la soo dhaafey, hasa ahaate khudbadi u ka jeedinaayey Guriga ummada ee magalada Qudus oo u halkaas kala hadlaayey boqolaal Arday jaamiciin ah ayaa ka jiiray wiil araday Falastiini ah oo la yiraahdo Rabic Ciid, waxuuna wiilkaa hoolki khudbada Obaama ka akhrinaayey inta ka istaagay ayuu yiri ereyadaan (Obamow ma runba inaad halkaan u timd ujeedo nabad raadin mise waxaad u timid inaad israail siiso hubkii lagu gumaadi lahaa shacabka reer Falastiin, waxuu intaa ku daray Dawlad waxaa ku waajiba iney dawlad u tahay mawaadaniinteeda oo dhan ee ma aha iney u ahaato shacabka Yuhuuda oo Qura)