Qaramada Midoobay Oo Albaabada U Laabeysa Xafiiskii Siyaasada UNPOS Ee Maamulada Somaaliya
Saturday - March 23, 2013
Gaalkacayo Weftigii shalay soo gaaray Magaalada Hargeysa ee ka socday xafiiska siyaasada Qaramada ee UNPOS, ayaa maanta isna gaaray Magaalada Gaalkacayo ee xarunta Maamul goboleedka Gal-mudug.
Xubnahan oo qayb ka ah wefti horay Hargeysa u yimid arimo la xariira shaqooyinka hayaddaha qaramada midoobay ka hayaan maamulada simaaliya, ayaa la sheegay inay Gaalkacayana u tageen inay gaarsiiyaan fariin la mid ah tii ay Hargeysa u yimaadeen oo la xiriira wax ka badal lagu samaynayo nidaamka shaqo ee hayaddaha, taasi oo ay qayb ka tahay in meesha laga saaro xafiiska siyaasada qaramada midoobay ee UNPOS ku leedahay Hargeysa.
Weftigani waxay ka kooban yihiin lix xubnood waxay ka soo kicitimeen xaruntooda dhexe ee New-york. Waxay u socdaan waxa la baabiinayaa oo UN-ku wax ka bedel ku samaynayaan Xafiiska siyaasadda ee qarammada midoobay ku lahayd gobolada maamuleed dalka somaaliya ee la yiraahdo UNPOS oo uu Ergayga qarramadda midoobay ee Soomaaliya Augustina Mahiga xukumi jiray .. Xafiiskan waxa loo bedelayaa mid cusub oo si toos ah ula shaqeeya wasaaradaha dawladda Dhexe
Weftiga Gaalkacayo tagay ayaa waxay la kulmeen Madaxwaynaha maamulkaasi Cabdi Xasan Cawaale (Qayb-diid), waxaanu sheegay inay soo dhawaynayaan qorshaha weftiga ay la kulmeen, inkasta oo aanu sheegin qosrahaha ay ka wada hadleen.
Weftiga gaadhay Galmudug, ayaa qayb ka ah Weftiga Hargeysa shalay yimid, kuwaasi oo qaarkood Hargeysa weli ku sugan yihiin.