Xafiiska Abaalmarinta Sir-doonka USA Oo 5 Malyan $ Dul Dhigtay Mr.Cumar Hamaami Iyo Jihad S. Mustafa
Saturday - March 23, 2013
Washington (RH) Dowladda Maraykanka ayaa khamiistii shaaca ka qaaday in ciddii soo sheegtay warkooda ama halka joogaan labo nin oo Soomaaliya ku su gan kuwaasoo ka babar dagaalamka kooxda Al-Shabaab.
War-qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Abaal-marinta Caddaaladda ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka, ayaa lagu sheegay in xafiisku uu bixinayo abaal marin lacageed oo gaareysa 5-Milyan oo dollar, taasoo la siinayo qofkii keena macluumaad lagu soo xirayo ama lagu ogaanaayo halka ay joogaan Cumar Shafiiq Hammaami iyo Jihaad Serwan Mustafa.
Cumar Hammaami waa nin u dhashay dalka Maraykan ah, waxaana uu horay u deganaa magaalada Daphne ee gobolka Alabama, waxaana uu hadda ka mid yahay shisheeyaha ka barbar dagaalamka Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida,
Warka qoraalka ayaa lagu sheegay in Cumar Shafiiq Hammaami oo looga yaqaano dhinaca Al-Shabaab Al-Masnuur Al-Amriki,wuxuu bixiyaa tababarada la siiyo dagaalyahanada Al-Shabaab gaar ahaan kuwa dibedda ka yimaada.
Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in ninkan uu Al-Shabaab ku biiray sannadkii 2006-dii, isla markaana u qaabilsanaa dhinaca dayaacadda, isaga oo u soo qori jiray dhalinyarada afka Ingiriiska ku hadasha.
HayÂ’adda sirdoonka ee FBI ayaa bishii November ee sanadkii 2012kii Cumar Hammaami ku dartay liiska xubnaha argagixisada ah ee loogu doondoonista badan yahay.
Hammaami waxa uu adeegsadaa magacyo kale sida Abu Mansour Al-Amriki iyo Faaruuq.
Ninka kale kale ee lagu sheegay warka qoraalka Jihaad Mustafa oo haysta dhalashada Maraykanka, wuxuu horay u degenaa magaalada San Diego ee gobolka California, laakin waa uu ka tagay isagoo soo aaday dhinaca dalka Soomaaliya.
Mustafa, ayaa la sheegay in Soomaaliya uu tagey sanadkii 2005tii, kuna biiray ururka Al-Shababna uu u noqday khabiir dhinaca warbaahinta ah.
Maxkamad ku taalla gobolka California ayaa dambi ku heshay 9-kii bishii October ee sanadkii 2009kii.
Ugu dambeentii warka qoraalka ee ka soo baxay waaxda arrimaha dibedda Maraykanka ayaa lagu sheegay, Jihaad Mustafa in uu adeegsadaa magacyada Axmed Guray, Anwar Al-Amriki iyo Amiir Anwar.
Sida la sheegay labadan nin ayaa la aaminsan yahay in ay Soomaaliya ku sugan yihiin, kana qayb qaataan dagaalada ka socda Dalka.