Fanaanka Shiine Akhyaar Oo Maanta Soo Gaaray Caasimada Mogdisho
Sunday - March 24, 2013
Muqdisho Koox Fanaaniin ah oo uu hogaaminayo Fanaanka/Abwaanka dada yar ee Shiine Akhyaar oo ka mid ah kooxda Waayaha cusub ee ka dhisan dalka Kenya, ayaa maanta gaaray Magaalada Muqdisho.
Fanaaniintan oo ay ku jiraan Ajaanib ka kala yimid dalalka Maraykanka, Afghanistaa, Itoobiya iyo Kenya, ayaa waxa Magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay dadwayne tiro badan iyo fanaaniinta Somaliya ee ku dhaqan Muqdisho.
Shiine Akhyaar oo garoonka diyaaradaha Muqdisho ugu waramay Warbaahinta, ayaa sheegay inay wadaan bandhig faneed wacyi-galin ah, kaasi oo ugu tallo-galeen inay shacabka ku waaniyaan sidii ay uga qayb-qaadan lahaayeen nabadgalyada Muqdisho ka dhalatay intii Al-shabaab laga saaray.
Shiine Akhyaar oo dhawaan ka soo laabtay dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska oo uu u tagay abaabulka bandhig faneedkan ayaa markii uu London ku sugnaa aad uga dayriyey xaalada ay ku sugan yihiin dadka Muqdisho ku dhex barakacay
Waxaad arkaysaa hooyo ilmo yar haysata oo cadceeda uga dhigaysa garba-saarteeda (shalmadeeda), waxaana ku garab yaala halka ay fadhido fooq, maxaa diiday in gurigaa qol yar laga siiyo ayuu yiri mar uu u waramayey Telefiishanka Somali Channel, waxaanu intaa ku daray Waxa loo baahan yahay in Madaxdu shacabka u bilowdo oo Madaxwaynaha Xasan Sheekh, Saacid iyo Guddoomiyaha baarlamaanku Jawaari uu mid walba qoysaskaasi baro-kacay midba qoys gurigiisa keensado, haddii sidaasi timaado qoxootiba maynu yeelaneen