Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 13 July 2025

Taliyihii Guud Ee Nabadsugida Somaliya Oo Is-Casilay Iyo Madaxweyne Xasan Oo Deg Deg U Magacaabay ..

Monday - March 25, 2013

Muqdisho – Taliyihii Ciidamada nabad-sugida Somaliya Axmed Macalin Fiqi, ayaa maanta ku dhawaaqay inuu is casilay.

Ka dib iscasilaada sarkaalkaasi, ayaa waxa Madaxwaynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud isla maanta ku dhawaaqay inuu xilkaasi si ku meel gaara u Magacaabay sarkaal uu Magaciisa ku soo koobay Cabdikariin oo aan magaciisa loo dhameystirin, sababo amaan daraadood.

Madaxwaynaha Somaliya ayaa sheegay inuu xilka uu sida dhakhsaha ah ugu Magacaabayo si aan hawlaha nabad-sugidu u istaagin “Howsha hay’addu way sii soconaysaa, waxaana ku boorrinayaa mas’uulkan cusub ee xilka haynaya inta laga magacaabayo mas’uulka cusub ee howshan si toosa ah u wadi doona,” ayuu yiri Madaxwaynaha Somaliya.

Hay’adda nabadsugiddda ayaa ah hay’adda ugu weyn ee amniga Muqdisho uu ku tiirsan yahay, iyadoo hay’addan ay inta badan ka hortagto falalka ammaan-darro ee ka dhaca caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.