Koox Hubeysan Oo Dhacay Xarun Shirkada Xawaalada Kaah Ku Leedahay Boosaaso
Wednesday - March 27, 2013
Hargeysa Koox hubaysan, ayaa maanta dilay maamulaha xarun shirkada xawaalada KAAH ku leedahay Magaalada Boosaaso, sidoo kalena waxay dileen qof gaar ahaa.
Kooxdan oo sidoo kale dhaawacay laba qof oo shaqaalaha shirkada ahaa, ayaa la sheegay inay dhac ka gaysteen xawaalada oo ay qaateen lacagtii taalay.
Kooxda dhacday xawaalada ayaa la sheegay inay ka koobnaayeen shan xubnood isla-markaana ku labisnaayeen dharka ciidanka booliska Puntland .. ilaa haddana hayadaha nabadgalyada maamulka Puntland iyo maamulka shirkadaba ee KAAH midna ilaa hadda kama hadal falkan, waxaana ilaa hadda la garanayn lacagta ay xawaalada ka qaateen cadadkeeda.