Daacad Xuma Ka Jirta Wada Hadalka Kisimaayo Awgeed Oo Qarka U Saaran Fashal
Thursday - March 28, 2013
Kismaayo: Raiisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo gudoomiyaha KMG ee magaalada Kismaayo Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa waxa la sheegayaa in haatan uu soo kala dhex galay khilaaf aad u weyn, iyadoo ismari waa uu xilligaan soo wajahay qorshayaasha ay kala wataan.
Raiisul wasaare Saacid iyo sidoo kale wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka ee xukuumada Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed ayaa waxaa la sheegayaa inay wataan qorshaha ah maamul KMG inay u sameeyaan Jubooyinka, hase ahaatee odayaasha inta badan beelahooda ay dagaan kisimaayo iyo Gaar ahaan Axmed Madoobe ayaa arinkaasi ka soo horjeestay.
Kooxaha fikirka dawlada ka soo horjeestay iyo Axmed Madoobe ayaa waxay la soo baxeen dastuurka Soomaaliya oo qeexaya in dowladda Soomaaliya aanay xaq u lahayn in maamul ay u sameyso ilaa dadka deegaanka ay qof soo doortaan.
Raiisul wasaaraha Cabdi Faarax ayaa weli ku adkeysanaya qorsha ah in dowladda ay maamul u magacawdo goboladaasi islamarkaana wixii maamul gobaleed ah qaban qaabadooda dib la isaga yimaado.
Hase yeeshee Axmed Madoobe ayaa raba in raiisul wasaaraha uu dib boorka uga jafo shirka maamul u sameynta gobalada Jubooyinka iyo Gedo, hase ahaatee lama oga sida ay wax ku dhamaan doonaan.
Raiisul wasaare Saacid ayaa hadii aanu halkaasi kasoo fulin qorshihii uu u tagay waxa uu noqonayaa mid ku fashilmay safarkiisa, laakiin wax walba xilliyada soo aadan ayaa la ogaan doonaa.
Is mari waaga labada dhinac u dhaxeeya ayaa laga yaabaa inuu keeno in Shabaab ay dib u qabsadaan goboladaas muranka ka taaganyahay.