Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 13 July 2025

General C/raxman Cabdi Xuseen Oo La Sheegay In Loo Magacaabi-doono Nabasugida Qaranka

Thursday - March 28, 2013

Mogadisho- Qadar: Warar laga soo xigtay ilo muhim ah oo warkooda inta badan la arko ayaa soo xigtay in dhawaan madaxweynaha Somaliya Xasan Shiikh u warqad dekereto ku soo magacaabi-doono Jeneraalka la yiraahdo C/raxmaan Cabdi Xuseen oo iminka Ah safiirka Somaaliya U fadhiya dalka Jabuuti.

Warkaas la xigtay ayaa intaa raaciyey in magacaabista jeneraalkaas ay ku timi kadib markii madaxweyne Xasan Shiikh u kala tashaday dawlada Qadar gaar ahaan sarkaalka xukuma nabadsugida Qadar ee lagu magacaabo Jeneral Axmed Bin Naasir Bin Jaasim oo dhiniciisa soo dhaweeyey kuna hambalyeeyey magacaabista sarkaalkaas.

Jeneral Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen oo iminka jabuuti ka ah danjire somaaliyeed, waxuu horay u ahaan jiray taliyihi ugu dambeeyey ciidamada Boliska somaaliyeed waqtigi dawladi Maxamed Siyaad Barre, isagoo xiligaas qabay gabar u dhalay madaxweynihi hore Maxamed Siyaad oo waqtiyadi dambe qiyaasta sanadkii 2009 ku geeriyootay cariga mareykanka.