Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 13 July 2025

Obama Iyo Kim Jong Kuuriya Oo Miciyaha Isu lisanaya Doonaya Iney Arlada Galiyaan Hawl-weyn Oo Dagaal

Friday - March 29, 2013

Pyongyang - Warbaahinta dowladda Kuuriyada Woqooyi ayaa sheegtay in hogaamiyaha dalkaasi Kim Jong uu amar ku bixiyey diyaargarowga weeraro gantaalo ah oo lagu qaado saldhigyada milateri ee gobolka iyo dhulka Maraykanka, ka dib markii laba diyaaradaha dagaalka ah oo  Maraykanku leeyahay ay tababarro ku sameeyeen hawada Kuuriyada Koofureed.

Wakaaladda Wararka ee Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in Mr. Kim uu Jimcahan maanta ah heegan galiyey ciidamada Gantaalaha ee dalka, ka dib markii uu xalay saqdii dhexe wadahadalo degdeg ah la yeeshay saraakiisha ugu sareysa ciidamada.

Amarkan ayaa yimid saacado ka dib markii Diyaaradaha awoodda u leh inay xanbaaraan Nuclear-ka ee Maraykanka ee lagu magacaabo B-2 la keenay Kuuriyada Koofureed ay dhaqdhaqaaq milateri sameeyeen.

Diyaaradaaha xanbaara Nuclearka ee Maraykanka ayaa Khamiistii shalay sameeyey dulimaad qaatay 20,000KM oo aan kala joogsi lahayn, iyagoo ka duulay saldhig ay ciidamda cirku ku leeyihiin bartamaha Maraykanka, gaarayna jaziirad ku taalla galbeedka koofureed ee gacanka Kuuriya.

Dhaqdhaqaaqan Maraykanka ayaa imanaya iyadoo ay isa soo tarayaan hanjabaadaha Kuuriyada Woqooyi ee ka dhanka ah Maraykanka iyo Kuuriyada Koofureed.

Pyongyang ayaa joojisay gabi ahaanba xiriiradii wadahadalka ee Kuuriyada Koofureed, Maraykanka iyo Laanqeyrta Cas.

Hase ahaatee isku socodka dadka labada kuuriya ee xuduuda ayaa khamiistii shalay ahaa mid caadi ah oo ma jirin wax isbadal ah oo la dareemayey.

Xogahayaha Arrimaha Difaaca ee Maraykanka Chuck Hagel oo saxaafada kula hadlayey Washington, ayaa sheegay in duulimaadka diyaaradaha B-2 ay jawaab u ahaayeen waxa uu ugu yeeray daandaansiga Kuuriyada Woqooyi, kuwaasoo ay ka mid yihiin hanjabaadaha Pyongyang ee ah inay weeraro Nucklear ah ku qaadi doonto, Kuuriyada Koofureed, Maraykanka iyo xulafada Maraykanka ay ku leeyihiin wadamada kulaala Badda Pacific-ga.